4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Ciidamada dowladda iyo Al-shabaab oo ku dagaallamay Beledweyne

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Xoogagga xarrakada Al-shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ee maamulka gobolka Hiiraan ku lahaayeen dulleedka galbeed ee magaalada Beledweyne.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyay abaandulaha guutada 10-aad ee ciidamada dowladda Col Max'ed Aamiin iska horimaadka ama dagaallka ayaa qaatay wax yar hal saac, kaasoo dhinacyada iska soo horjeeda isku weydaarsadeen hubka noocayadiisa kala duwan.

''Dhinaceena ma jiro wax khasaare ah oo naga soo gaaray dagaalka, laakiin meelihii lagu dagaallamay waxaan ku aragnay astaamo muujinaya in khasaare xoog leh uu soo gaaray dhinaca kooxihii weerarka soo qaaday,'' ayuu yiri Col Max'ed Amiin.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca saraakiisha xarrakada Al-shabaab oo ku aadan iska horimaadka xalay ka dhacay dulleedka magaalada Beledweyne.

Weerarka xarrakada Al-shabaab ee xalay ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu danbeeyay ciidamada dowladda iyo AMISOM ku jireen diyaar garoow iyo abaabulka weeraro ka dhan ah deegaannada xarrakada Al-shabaab ay ka maamulaan gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya