4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Madaxweynaha Puntland oo Garoowe kusoo laabtay (SAWIRRO)

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) —Magaalada Garoowe waxaa maanta dib ugu soo laabtay wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo muddo toddobaad ah safar shaqo ugu maqnaa dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweynaha oo ay kamid yihiin wasiirka arrimaha gudaha iyo wasiirka warfaafinta, waxaa si diirran  loogu soo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Mas'uuliyiin dolwadda ka tirsan oo madaxweyne ku-xigeenka, guddoomiyaha baarlammaanka, xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo xildhibaanno ay kamid yihiin ayaa soo dhoweynta wafdiga madaxweynaha ka qayb galay.

Sidoo kale waxaa soo dhoweynta qayb weyn ka qaatay maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, saraakiisha ciidamada qalabka sida iyo dadweyne tira badan oo ruxayey calammo iyo caleemo qoyan islamarkaana watey boorar ay ereyo soo dhoweyn ahi ku qoran yihiin.

Madaxweyne Gaas oo si kooban garoonka warbaahinta ugula hadlay, ayaa ka warbixiyey safarkii wafdiga uu hoggaaminayaa ay muddada todobaadka ah dalka Itoobiya ugu maqnaayeen iyo weliba waxyaabaha uga soo hirgalay, wuxuuna sheegay in Itoobiya iyo Puntland ay waxyaabo badani ka dhexeeyaan.

Kulammadii uu madaxda Itoobiya lasoo qaatay iyo waxyaabaha uu kala soo hadlay mar uu sharraxayey wuxuu sheegay inay ugu muhiimsanaayeen: xoojinta xiriirka labada dhinac iyo sidii ay u yeelan lahaayeen iskaashi ballaaran oo dhanka dhaqaalaha, nabadgelyada iyo horumarinta bulshada ah.

Booqashada Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu ku tegey dalka Itoobiya ayaa ahayd tii ugu horreysey ee uu dalka dibaddiisa ugu baxo, tan iyo markii loo doortay xilka madaxweynaha bishii Janaayo ee lasoo dhaafay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya