4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 3 , 2014
Galmudug iyo Puntland oo iska kaashanaya sugida Amniga Gaalkacyo

Isniin, Maarso 03, 2014 (HOL) — Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka socda dadaallo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo ammaanka, kaasoo ah mid ay maamullada Puntland iyo Gal-mudug iska-kaashanayaan.

Koonfurta magaalada Gaalkacyo waxaa ka arrimaya maamulka Gal-mudug, halka Waqooyigana ay ka arrimiyaan maamulka Puntalnd, balse xilligan waxay si isku mid ah uga shaqeynayaan in laga hortago khatar kasta oo wax u dhimi karta amniga.

Howlgallo ay wadaan ciidanka amniga ee labada maamul ayaa ka socda magaalada maalmihii ugu dambeeyay, waxaana la sheegay in ujeeddada howlagalladan laga leeyay ay tahay xoojinta amniga iyo sidii looga hortegi lahaa cid kasta oo wax u dhimi karta amniga.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland, Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) ayaa sheegay inay ku hawlan yihiin qorshayaal lagu xoojinayo amniga gobolka, siiba magaalada Gaalkacyo oo inta badan ay ka dhacaan dhacdooyin liddi ku ah nabad-galyada.

Sidoo kale, Tigey wuxuu sheegay inay qorshaynayaan ay yihiin kuwo amniga lagu adkayenayo, lagana sameynayo dhammaan degmooyin iyo Gaalkacyo iyo kuwa kale ee gobolka si gacan loogu dhigo amniga.

"Waxaa socda howlgallo, waana ay socon doonaan waana kuwo lagu doonayo in lagu xaqiijiyo amniga, waxaan doonayna in gacan buuxda lugu qabto ammaanka Gaalkacyo iyo guud ahaan deeegaannada gobolka," ayuu yiri guddoomiye Tigay.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Galmudug, Aways Cali Siciid ayaa isna dhankiisa sheegay in ciidanka ammaanka ee Galmudug hawlgallo ay ka sameeyeen Koonfurta Gaalkacyo ay kusoo qabqabteen dad kala duwan.

Guddoomiyuhu wuxuu soo hadal qaaday inay muhiim tahay aragti mid ah in laga yeesho amniga gobolka, wadajirna wax loo wajaho.

“Xilligan si wadajir ah ayaa loo doonaya in lagu sugo amniga guud ee Gaallkacyo, waxaana labada dhinac ka socda howlgallo, waxaana naga go'an inaan amniga sugno. Dhinaceena waxaan ka sameynay howlgallo an kusoo qabqabanay dad kala duwan, kuwaasoo ay gacanta ku hayaan laamaha dambi-baarista," ayuu mar kale yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee meemulka Galmudug  Aways Cali Siciid.

Qorshayaha labada maamul ay ku doonayaan inay ku adkeeyaan ammaanka guud ee Gaalkacyo ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay labada dhinaca amniga ku xaqiijnayaan.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya