4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Kulan baroordiiq ah oo lagu qabtay Baydhabo iyo xafiis laga furay (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo waxaa maanta lagu qabtay kulan loogu baroor-diiqayay sideeddii oday ee dhawan lagu dilay duleedka degmada Buur-hakaba ee gobolka Bay iyo wiil 13-jir ah oo lagu dilaya toddobaadkii hore dhaafay mudaaharaadyo looga soo horjeeday xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo Baydhabo ka dhacay.

Odayaasha oo aan illaa hadda la ogeyn cidda dishay ayaa waxay ka mid ahaayeen odayaashii wax ka dhisay maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, iyadoo gaari ay doonayeen inay ku tagaan gobolka Shabeellada Hoose lagla dagay lana dilay.

Dadweynihii kulanka kasoo qaybgalay ayaa u duceeyay odayaasha iyo wiilka yar ee 13-jirka ah, balse goobta lagama sheegin in ciddii odayasha dishay sharciga la hor-keeno, iyadoo kulanku uu ahaa mid loogu baroor-diiqayay oo keliya..

Sidoo kale, magaalada Baydhabo waxaa maanta laga furay xafiiska madaxtooyada maamulka Koonfur-galbeed ee Madoobe Nuunoow uu madaxweynaha ka yahay, iyadoo xafiiskan uu xariga ka jaray Madoobe Nuunow.

Wararka la helayo ayaa waxay sheegayaan in maalinta berri ah uu Baydhabo iman doono xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan dibadbaxyo lagu diidan yahay ay ka dhaceen magaalada, waxaana la qorsheynayaa in dibadbaxyo kale oo looga horjeedo Shariif Xasan ay Baydhabo ka dhacaan.

Mas’uuliyiinta maamulka Koonfur-galbeed ee uu hoggaaminayo Madoobe Nuunow ayaa waxay ku kala qaybsan yihiin in Baydhabo uu yimaado Shariif Xasan iyo in kale, iyadoo xubno ka mid ah maamulka ay diideen inuu yimaado, halka kuwo kalena ay sheegayaan inuu imaan karo.

Baydhabo waxaa ka taagan xiisado u dhexeeya maamulada iska soo horjeeda ee looga dhawaaqay magaalada, kuwaasoo leh labada madaxweyne, midkoodna uu yahay mid ka kooban lix gobol iyo mid ka kooban saddex gobol.




Hiiraan Online, Baydhabo