4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo Maanta booqday Magaalada Xudur

Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Wafdi ka socda Qaramada Midoobay ayaa maanta booqasho ku tagay degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ka mid ah dhowr degmo oo Al-shabaab looga qabsaday howlgallada ka socda gobollada Koonfureed ee Soomaaliya.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminayay mas’uul ka tirsan xafiiska UNSOM ee Somalia waxayna kulammo la yeesheen maamullada heer degmo iyo heer gobol iyo ururro ay ka mid yihiin: kuwa haweenka, kuwa dhallinyarada, culummada iyo dadweyne kale oo ku nool degmada Xudur.

Saraakiisha hoggaaminayay wafdigan ayaa sheegay in booqashadooda ay salka ku hayso sidii ay u soo arki lahaayeen xaaladda ay shacabka degmada ku nool yihiin, kaddib markii Al-shabaab laga saaray degmadaas.

Xubnaha wafdiga ayaa intaas ku daray in Amaanka Magaalada ay arkeen ayna ka shaqeyn doonaan sidii gargaar loogu keeni lahaa shacabka degmadaas ku nool oo aan haysan cuno ku filan.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka Bakool iyo kuwa degmada Xudur ayaa iyaguna u sheegay wafdiga inaysan shacabka ku nool degmada Xudur haysan wax raashin ah oo ay cunaan, ayna u baahan yihiin in gargaar deg-deg ah lala soo gaaro.

Wafdigan ayaa waxaa ka mid ahaa sarkaal ka socday ciidamada AMISOM, kaasoo kulan la qaatay sarkaalka hogaaminaya ciidamada Itoobiya ee AMISOM ka tirsan ee Xudur ku ugan, waxayna labada sarkaal kawada hadlay sidii ay u xoojin lahaayeen sugida amniga degmooyinka ay kaga sugan yihiin gobolka Bakool.

Degmada Xudur oo in ka badan 350-km Muqdisho kaga beegan dhianca Koonfur-Galbeed ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii ay ciidamada Itoobiya ee ka mid ah AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay kala wareegeen Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya