4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Q.M oo shaacisay Tirada Dadkii ku Barakacay Colaadda Koonfurta Suudaan


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — In ka  badan hal Milyan oo ruux ayaa lagu qasbay in ay isaga barakacaan guryahooda sedexddii bilood ee ugu danbaysay sida lagu xusay warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay oo la xiriirta sida ay uga sii darayso xaaladda South Sudan.

"Boqolkii maalin ee la soo dhaafay waxaa la barakaciyay dad ka badan hal Milyan oo ruux " ayuu lagu yiri warbixin ka soo baxay UN OCHA, iyadoo lagu canbaareeyay dagaallada halkaa ka socda oo sababay khasaarooyin baahsan.

Dad gaaraya 800,000 oo ruux  ayaa la sheegay in ay ka carareen colaadaha dalka Koonfurta Suudaan ,halka 255,000 oo ruux oo kalena ay qaxooti ahaan isaga dhiibeen wadamada dariska ah sida Itoobiya ,Kenya, Uganda iyo waliba Suudaan .

"Colaadaha u dhaxeeya dowladda iyo kooxaha mucaaradka waxa ay ahaayen kuwa sii fidiyay waqtiyadii ugu danbeeyay ,waxyna a colaaddu  gaartay goobo hor leh oo nabad ahaa markii hore gaar ahaan Jonglei"ayaa lagu yiri mar kale warbixinta ka soo baxday Qaramada Midoobay.

Wada hadaladii nabadda ee ka socday magaalada Addis Ababa ayaa la sheegay in xoogaa hormar ah laga sameeyay ,iyadoo dhinacyo kala matalaya kooxaha isku haya talada dalkaas ay wada hadalo rasmi kuwada qaateen gudaha Itoobiya.

Heshiis xabad -joojin ahaa  oo la gaaray sanadkan bilowgiisi   ayaa la sheegay in uu bur-buray iyadoo xaalad cunto yaraan ah ay soo food-saartay dad lagu qiyaasay 3.7 milyan oo ruux oo ku kala nool daafaha Koonfurta Suudaan.

Ugu danbayntii dagaallada Koonfurta Suudaan ayaa soo bilowday 15-kii Decembar ee sanadkii hore  ,ka dib markii ay madaxa isla galeen maleeshiyaad daacad u ah madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas Rieck Machar iyo ciidamada dowladda oo ka amar qaadanayay Salva-kiir .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]