4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Mooshin Baarlamaanka laga geeyay Wasiirro ka tirsan Xukuumada Somalia

Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa mooshin ka keenay wasiirrada arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wasiirka amniga, Cabdikariin Xuseen Guuleed,, sida uu maanta ka sheegay kulankii baarlamaanka guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in qoraal loogu yeerayo wasiirradan ay u diri doonaan ayna hor-imaan doonaan baarlamaanka, isagoo xusay inaysan xildhibaannada soo gudbiyay mooshinka soo qorin su’aalaha ay doonayaan inay wasiirradan su’aalaan.

“Waxaa i soo gaaray mooshin ay saxiixeen 15-xildhibaan, kaasoo lagu codsanayo in loo yeero wasiirrada arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka. Su’aalaha la weydiin doono wasiirrada waxaan ka dhigi doonnaa kuwa baarlamaanka kasoo baxa, waayo xildhibaannadu ma aysan soo qorin su’aalihii xildhibaanka la weydiin lahaa,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Inkastoo aan la sheegin waxyaabaha la doonayo in wax laga weydiiyo wasiiradan ayaa haddan waxay xildhibaanno ka tirsan kuwa mooshinka geeyay sheegeen in wax laga weydiin doono arrimo la xiriira howlgallada socda iyo ammaan-darrada ka jirata magaalada Muqdisho.

Wasiirradan ayaa waxay noqonaysaa markii ugu horreysay oo looga yeero xarunta golaha baarlamaanka si su’aalo  looga weydiiyo howlaha quseeya wasaaradahooda, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn xilliga ay hortagayaan baarlamaanka.

Ugu dambeyn. kulankii maanta ee baarlamaanka waxaa ka hadlay dhowr xildhibaan kuwaasoo hadalkoodu u badnaayeen howlgallada gobollo ka mid ah dalka ka socda, qiimo-dhaca shillin Soomaaliga, dhibaatooyinka dadkii ka barakacay deegaannadii Al-shabaab lag saaray iyo kuwo kale.

Kal-fadhiga afaraad ee baarlamaanka Somalia ayaa furmay maalmo ka hor, iyadoo hadal uu madaxweynuhu ka jeediyay uu ku sheegay in loo baahan yahay inay wada shaqeeyaan baarlamaanka iyo xukuumadda si howlaha horyaalla dowladda ay u noqdaan  kuwo hirgala.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya