4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
JAWAARI: “Lacag aanu Baarlamaanku ogeyn lagama bixin karo Bankiga dhexe”


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa maanta sheegay in wixii ka dambeeya bisha Abriil ee soo socota aan laga bixin doonin bankiga dhexe ee Soomaaliya wax lacag ah oo uusan idmin guddiga maaliyadda baarlamaanka, iyadoo la hubin doono sida lacagtaas loo isticmaalayo.

Prof. Jawaari ayaa kulankii baarlamaanka ee maanta ka sheegay in qoraal ay u diri doonaan 01-da bisha Abriil mas’uuliyiinta bankiga dhexe, taasoo ay kaga codsan doonaan in wax lacag ah oo uusan soo saxiixin guddiga maaliyadda baarlamaanka aan laga bixin karin khasnadda dowladda.

“Wax Alle iyo wixii hanti ah ee ku jira qasnadda dowladda Soomaaliya waxaa leh shacabka Soomaaliyeed, shacabkana waxaa wakiil ka ah golahan, lacag aan ogolaasho looga haysan golahanna lama bixin karo,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Tallaabadan ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay oo baarlamaanku uu qaado tan iyo markii la dhisay sannadkii 2012, balse horay ayuu guddoomiyuhu u sheegay in lagu xisabaatamayo hantida shacabka Soomaaliyeed iyo sida loo istcmaalo.

Sidoo kale, guddoomiyaha baarlamaanka, Jawaari ayaa isla kulanka ka sheegay in xildhibaannada baarlmaanka Soomaaliya looga baahan yahay inay saacado dheeri ah shaqeeyaan kal-fadhigan afaraad iyo midka shanaad ee soo socoda si looga miro-dhaliyo in dalka la gaarsiiyo sannadka 2016-ka doorasho xor ah.

“Waxaa aad iyo aad looga filayaa baarlamaanka in kal-fadhigan afaraad iyo midka shanaad ee soo socda ay dhameystiraan wax walba oo shuruucda loo baahan yahay inay horseedaan geeddi-socodka aan higsanayno ee ah in 2016-ka ay Somalia ka hirgasho doorasho xor ah,” ayuu yiri guddoomiyaha baarlamaanka.

Afhayeenka ayaa sidoo kale yiri: “Inta lagu gudo jiro labadan kalfadhi waxaa la doonayaa in la dhiso wixii hay’ado iyo shuruuc ah ee sahlanaya in nabadeynta dalka la hirgeliyo loona diyaar-garoobo doorasho xor ah oo qabsoonta 2016-ka.”

Ugu dambeyn, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xildhibaan walba uu badiyo saacadaha uu shaqeynayo, isagoo guddiyada joogtada ah ee golaha baarlamaanka ka dalbaday inay howshooda laba laabaan oo habeen iyo maalin ay shaqeeyaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya