4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Wasiiraddii Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Xildhibaannimo loo dhaarshay


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Wasiirraddii hore ee arrimaha dibadda Somalia, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta loo dhaariyay xildhibaannimo, iyadoo dhaarinta kaddibna xildhibaannada baarlamaanka loo qaybiyay qoraalka miisaaniyadda sannadkan 2014-ka.

Fowziyo Yuusuf ayaa waxay si rasmi ah uga mid noqotay maanta xildhibaannada golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo bedeshay Ismaaciil Xasan Jamac oo ka mid ahaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo horay u ahayd ra’iislu wasaare ku xigeenkii hore ee Soomaaliya.

“Waxaan ku dhaarayaan magaca Illaahay inaan xilkayga u gudan doono si ay ku jirto danta dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isla markaana aan dhowro dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka,” ayay tiri Fowziyo Yuusuf markii ay dhaaranaysay.

Ra’iisul wasaare ku xigeenkii hore ee xukuumaddii Cabdi Saacid ahayd wasiiradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxay intii ay xilka haystay booqashooyin ku kala bixisay dalal dhowr ah ay ka mid ahaayeen, Shiinaha iyo Koonfurta Suudaan.

Xildhibaannada ayaa dhaarinteedu waxay kusoo beegmaysaa xilli uu furmay maalmo ka hor kal-fadhigii afaraad ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo howlaha looga fadhiyo baarlamaanka ay ka mid yihiin in dalka ay doorasho ka dhacdo marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Dhaarinta kaddib ayaa waxaa xildhibaanada baarlamaanka Somalia loo qaybiyay qoraalka miisaaniyadda sannadkan oo ay soo gudbisay xukuumadda, iyadoo lagu wargeliya inay soo akhristaan muddo 24-saac ah, kaddibna laga doodo, waxaase la filayaa in berri oo Axad ah uu kulanka horyimaado wasiirka maaliyadda si uu u sharraxo miisaaniyadda.

Miisaaniyaddan ayaa aad uga badan tii sannadkii hore, iyadoo ah: 218,450,743 doollar, taasoo ay xukuumaddu horay u sheegtay in inta badan lacagta ay ka imaanayso daqliga ka soo xarooda gudaha dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya