4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Xoghayaha Olombikada Soomaaliya oo la kulmay Guddiga Isboortiga J/hoose


Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Xiriirka kubadda cagta ee  gobolka J/hoose ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay xoghayaha guud ee gudiga olombikada Soomaaliyeed, Duraan Faarax,  kaasoo dhawaan soo gaaray magaalada Kismaayo.

Guddiga Isboortiga gobolka J/hoose ayaa uga warbixiyay xoghayaha guud ee olombikada Soomaaliya isboortiga gobolka J/hoose iyo weliba baahida ka jirta gobolka, iyagoo sidoo kale ka dalbaday gudiga in uu gacan ka geysto sidii loo hormarin lahaa isboortiga gobollada Jubooyinka.

Xoghayaha xiriirka kubadda cagta gobolka J/hoose Axmed Faarax Taqal (Timojilic) ayaa ugu horeyn goobta ka hadlay waxa uuna ka warbixiyay isboortiga gobolka iyo weliba halka uu marayo dhismaha garoonka kubadda cagta degmada Kismaayo kaasoo mudooyinkii u danbeeyay ay ku socdeen howlo dib u dhis ah.

Tima-jilic ayaa sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay wax ka weyn ka qabteen isboortiga gobolka, isagoo sheegay in degmada Kismaayo ay u qabteen tartamo kala duwan iyagoo aan wax gacan ah ka helin madaxda maamulka iyo xiriirka kubadda cagta ee Soomaaliya, wuxuu sidoo kale sheegay in ay qalab isboorti ugu deeqeen degmooyinka kale ee gobolka J/hoose.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta gobolka Jhoose Burhaan Max’uud Xasan Kukuuyu oo  isna goobta ka hadlay u mahadceliyay gudiga olombikada Soomaaliyeed oo uu xusay in ay gacan ka geysteen horumarka isboortiga gobolka J/hoose, wuxuuna ka codsaday in laga caawiyo dib u dhiska garoomadii kala duwanaa ee uu lahaa gobolka J/hoose.

Gaba-gabadii xoghayaha guud ee gudiga Olombikada Soomaaliya Duraan Faarax ayaa goobta ka hadlay, waxa uuna amaan u jeediyay madaxda xiriirka kubadda cagta ee gobolka J/hoose, kuwaasoo uu sheegay in mudadii ay xilka hayeen ay la yimaadeen waxqabad la taaban karo.




Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya