4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Isbitaalka labaad ee degmada Garbahaarey oo dayactir lagu wado (SAWIRRO)


Sabti, March 29, 2014(HOL) :- Isbitaalkan oo ah hal dabaq ayaa wuxuu ku fadhiyaa dhul aad u ballaaran wuxuuna ku yaalaa dhul sare  isaga oo masaafo aan fogayn oo dhanka waqooyi,ah ka xiga garoonka hada la isticmaalo ee  degmada Garbahaareey,  isbitaalka waxaa aasaasay dawladii dhexe ee soomaaliya sanadkii 1987 isaga oo ilaa mudadaa qabyo ahaa ayaa waxaa la rajaynayaa in goordhow la isticmaalo  dayactirka kadib.

Isbitaalku wuxuu ka kooban yahay ilaa 35qol,  3hool,   8 musqulood, iyo dayr ku wareegsan  waa isbitaal dhamaystiran oo heer gobol,ah marka laga fiiriyo adeega uu bixinkaro.

Dr. Aadam  C/qaadir xaashi oo ah  agaasimaha  isbitaalka garbahaarey oo aanu ka waraysanay sida uu u arko dayactirka isbitaalka qabyada ah iyo waxa uu soo kordhin karo ayaa wuxuu noo sheegay  inuu soo dhawaynayo  arinkan wuxuuna intaa ku daray in isbitaalkan cusub oo u dhisan qaab casri ah  masaafo ahaanna aan ka fogayn isbitaalka guud ee degmada in ay iskaashi  wada yeelan doonaan labada isbitaal.Dr. Aadam  ayaa sidoo kale umahad celiyey gabdhaha soomaaliyeed ee isu xilsaaray  hawshan ballaaran ee wax ku oolka ah.

Qarashka hada lagu bilaabay dayactirka Isbitalka waxaa   soo aruuriyay  gabdhaha  gobolka Gedo  ee qurbo joogta  u badan, waxayna usoo wakiisheen Luul Maxed Aadan oo ah gabar aalaaba u ololeeysa arimaha horumarka deegaanka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Gabdhaha qurbajoogta kazoo jeeda gobolka Gedo ayaa ballan qaaday in marka ay dhameystiraan dayactirka isbitalka ay keeni doonaan Dhaqaatiir aqoon leh iyo qalab caafimaad oo casri ah si ay uga faa’iideystaan bulshada ku nool gobolka Gedo iyo gobollada kale eek u dhow dhow.

Maamulka degmada iyo bulshada deegaankaba waxa ay aad usoo dhaweeyeen, mahad balaaranna usoo jeediyeen  tallaabada  taariikhiga ah ee ay qaadeen gabdhaha  gobolka Gedo,  waxayna intaa ku dareen in gabdhaha  soomaaliyeed  ay yihiin gabdhaha ugu horeeyo caalamka marka laga eego  dhinacyo fara badan  waxaana lawada ogyahay masuuliyadaha faraha badan ee ay bulshada u hayaan.

Sidoo kale waxaa si tabarucaad ah  isbitaalka ugu deeqay  kaarakooyin jay, iyo dhagax ah  qaybo ka mid ah  gaadiidleeyda deegaanka, iyadoo sidoo kale uu soconayo olole dhaqaale loogu ururinayo dhameystirka howlahan.

Gabdhahan gacanta ku haya howlaha dib u dhiska isbitalka degmada Garabahaareey ayaa ugu baaqaan dadka deegaanka gaar ahaan qurbajoogta u dhalatay deegaanadaasi in ay gacan ka geystaan howshan iyo howlaha kale ee lagu horumarinayo gobolka.

Wixii faahfaahin iyo  kala xiriir Luul Maxamed Aadam iyo Max’ed Ibraahim oo iyagu gacanta ku haya howsha dayactirka isbitalka, waxaadna ka heli kartaa cinwaanada hoose ku xusan.

Tel: +25261-7136428. ama E-mail: [email protected]

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya