4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 29, 2014
Xarakada Al-shabaab oo Toogatay dhallinyaro ay ku eedeeyeen Jaajuusnimo

Sabti, Maarso 29, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa degmada Baraawe ku dilay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay basaasiin ahaayeen ayna la shaqeynayeen hay'adda nabadsugida dowladda Soomaaliya.

Toogashada oo ka dhacday meel fagaare ah shalay oo Jimco ahayd ayaa waxaa ka qayb-galay dadweyne fara badan, waxaa ka hadlay saraakiisha Al-shabaab oo ku goodiyay inay sharciga marsiin doonaan cid walba oo falal basaasnimo ah lagu helo.

Saddexda qof ee la toogtay ayaa waxay magacyadooda kala ahaayeen, Maxamed Deeq Xasan Cali oo 28-jir ah, Maxamuud Faarax Sabriye Shuure oo 47-jir ah iyo Cabdinajiib Shire Barre.

Garsoorah maxkamadda Al-shabaab ee xukunka ridda ayaa sheegay in saddexdan qof qaarkood ay muddo bilooyin ah la shaqeynayeen hey'adda nabadsugidda, isla markaana ay qirteen dambigoodii lagu soo oogay.

Sheekh Maxamed Abuu-Cabdalla oo ah madaxa Al-shabaab ee gobolka Shabeellada Hoose ayaa sheegay in gacan adag ay ku qabanayaan dad uu sheegay inay basaas u yihiin sirdoonada reer galbeedka.

"Qofkii la helo isagoo u jaajuusaya cadowga iyo sirdoonka gacan bir ayaa lagu qabanayaa, waana sii wadaynaa goynta kansarka muslimiinta ku dhex jira," ayuu yiri Sheekh Abuu-cabdalla.

Bishii hore ayay ahayd markii Al-shabaab fagaare ku yaalla Baraawe ay ku toogatay saddex ruux oo ay ku sheegeen inay basaasiin u ahaayeen dalal reer galbeedka ah, dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Tallaabadan ayaa imaanaysa iyadoo Al-shabaab dhawaan ay gacantooda ka baxeen deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Somalia, kuwaasoo ay ka mid tahay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya