4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Qarax lala beegsaday AMISOM iyo weerar lagu qaaday Ciidamada Dowladda

Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Gaadiid ay wateen ciidanka AMISOM ayaa qarax lagula eegtay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo sidoo kale Al-shabaab ay weerar ku qaadday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socday degmada Qoryooley.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu haleelay mid ka mid ah gaadiidkii ciidamada AMISOM, iyadoo guddoomiye ku xigeenka dhinaca ammaanka ee Jannaale, Bashiir Cabdi Maxamed uu u sheegay warbaahinta in lix askari oo ka tirsan AMISOM ay ku dhaawacmeen qaraxa miino.

Goob-joogayaal ku sugan deegaanka Jannaale ayaa iyagana laga soo xigtay in khasaaraha uu ka badan inta ay sheegeen maamulka degmada, inkastoo tiro rasmi ah aan laga hayn khasaaraha ka dhashay miinada lagu weeraray ciidamada Midowga Afrika.

Dhinaca kale, deegaanka Danoow oo u dhaxeeya Jannaale iyo degmada Qoryooley ayaa waxaa isagana ka dhacay dagaal u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag taabacsan Al-shabaab, iyadoo la sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu dhaliyay dagaalka, balse lama oga illaa iyo hadda khasaaraha inta uu le'eg yahay.

Iska-horimaadka ayaa billowday markii xoogagga Al-shabaab ay weerar gaadmo ah ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada dowladda oo ku sii jeeday Qoryooley oo maalmo ka hor ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Mas’uuliyadda qaraxa waxyeellada geystay ee lagu weeraray gaadiidka ciidanka AMISOM ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab, iyadoo kooxdu ay sheegtay inay ku dileen weeraradan kala duwan ciidammo isugu jira kuwa dowladda iyo AMISOM.

Gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa qaybo ka mid ah ka talisa Xarakada Al-shabaab, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is-kaashanaya ay isku dayayaan inay Al-shabaab ka saaraan gobolkaas oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya