4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Maxay Diinta Islaamku ka Qabtaa falalka Burcad-badeednimada? (WAREYSI)


Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Waxaa noo suuro-gashay inaan ka wareysanno, Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere (Xerow) oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan Muqdisho, waxaana wax ka weydiinnay wuxuu Islaamku ka qabto burcad-badeednimada, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Su’aal: Qaadicu-dariiqa diinta Islaamku tilmaantay maxay burcad-badeednimadu kaga duwan tahay?

Jawaab: Burcad-badeednimadu ma jirto waxay kaga duwan yihiin burcadda dhulka ku sugan ee dadka dhaca, shareeca Islaamkuna waxay dhammaantood wadagaan in ay yihiin qaadidu-dariiqiin, waayo waxay caqabad ku yihiin dadka doonaya inay jidka maraan, qof walba oo dad meel maraya hor-istaagana waxaa lagu tilmaamaa burcad. Marka burcadad iyo burcad-badeeddu waa isku mid, inkastoo ay qaabka ay u howlgalaan uu kala duwan yahay, Diinta Islaaamku burcadnimada ma ogola.

Su'aal: La-macaamilka qofka burcad-badeedda ah maxay Diintu ka qabtaa?

Jawaab: Ninka burcad-badeedka ah - waa nin dambiile ah, in lala macaamilana ma bannaana, sidoo kale ma bannaana in wax laga gato, wax laga kireysto, wax lagu mehriyo, lala shaqeysto ama lala shirkoobo. Haddii la ogyahay inay xaqiiqo tahay ama burcad-badeed ha ahaado ama qaybaha kale ee burcadda in lala macaamilo ma bannaana.

Su’aal: Xoolaha laga tabco burcad-badeednimada Diinta Islaamku maxay iyagana ka qabtaa?

Jawaab: Xoolahaasi waa xaaraan, waayo waxaa lagu kasbay waa tahdiid ama cago-jugleyn, waa bani’aadamkii oo la adoonsanayo, waa bani’aadamkii oo hantidiisa la dhacayo, waa bani’aadamkii musaafirka ahaa oo Islaamku ugu talo-galay in dhulka ama badda si aamin ah uu ku maro si nabadgelyo ah, ciddii xoolahaas laga qaadayo diintuu doono ha haystee waa xaaraan, waxayna xalaal ku noqon karaan oo keliya iyadoo qofkii xoolaha laga qaaday loo celiyo haddii la yaqaanno.

Su’aal: Qofka burcad-badeedda ah ee dhibaatada ku haya bulshada Soomaaliyeed ama caalamka abaal-marintiisu maxay tahay marka Diinta Islaamka la eego?

Jawaab: Qofkaas waa qof u bareeray inuu fasahaadiyo dhulka. Haddii aan fiirinno burcadda badda waxay cunno-qabateeyeen ummadda Soomaaliyeed oo wixii alaab ahaa ee badda u soo mari lahaa la hor-joogsaday, howshaas waa mid khatar ah  qofka ku kacaana waxaa looga baaqaa khaatumo xumo, haddana sidaan aragnay maahmaah carbeed baa tiraahda: “Wixii biyo kaasoo gala biyo ayay u dhamaadaan” Biyaha sacabbadu ma celinayaan, waxaa xaaraanta ah weel celinaya ma jiro, waxaa loo baahan yahay in dhallinyaradaa la wacyi-geliyo, Diintana loo sheego, culumada la kulmaan, dadaal fara badan ayaana loo baahan yahay inta dhibku uusan gaarin caalamka kale.

Su’aal: Badda Soomaaliya waxaa lasoo dhoobay maraakiib fara badan kuwaasoo ah kuwo ay beesha calaamku kula dagalaamayso burcad-badeedda, haddaba qaabka loo wajahay ma yahay kii saxda ahaa?

Jawaab: Qaabka loo wajahay sax ma ahan haddii ay u joogaan in burcad-badeedda ay la dagaalamaan, Badda lagulama dagaalami karo, mashaakilka burcadnimada ah wada beriga ama dhulka ayay joogaan in halkaas lagula dagalaamo ayaa habboon. Balse waxaan wanaagsan in dalka gudihiisa nidaam burcadbadeedda looga hortago laga sameeyo ama wacyi-gelin ha ahaato ama dadka ha is-abaabulaan ama nidaam dhisan oo xoog leh ha looga hortago.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya