4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Bannaanbax uu ka Qayb-galay M. Nuunow oo Baydhabo ka dhacay (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa aad u kacsan kaddib doorashadii madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee shalay lagu doortay magaaladaas, Maxamed Xaaji C/Nuur (Maxamed Deer).

Dibadbax weyn ayaa wuxuu maanta ka dhacay Baydhabo, kaasoo maamulka cusub looga soo horjeedo. Bannaanbaxan ayaa waxaa hoggaaminayay Madoobe Nuunow Maxamed oo ah madaxweynaha maamulka kale ee Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban, waxaana dibadbaxyaashu ay socod ku tageen garoonka kubada cagta ee Ayuub.

Madoobe Nuunow oo la hadlay dibadbaxayaasha ayaa sheegay inaysan Baydhabo kawada shaqeyn karin maamulka shalay la magacaabay ee seddexda gobol iyo maamulkooda ayna tallaabo ka qaadi doonaan dadkii maamulkaas dhisay.

Sidoo kale, Madoobe Nuunow ayaa tacsi u diray ehellada sideeddii oday ee maalmo ka hor lagu dilay duleedka magaalada Buur-hakaba ee gobolka Bay, kuwaas oo ka mid ahaa odayaashii wax ka dhisay maamulka lixda gobo lee uu madaxweynaha u yahay, wuxuuna sidoo kale tacsi u diray ehellada wiil 13-jir ahaa oo u geeryooday dhaawac kasoo gaaray raasaas lagu furay dibadbaxayaal kasoo horjeeday xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa laga dareemayaa xasillooni darro, iyo fikrado iska soo horjeeda oo ay kala wataan labada maamul ee magaalada loo dhawaaqay oo ah kuwo iska soo horjeeda.

Dhanka kale, waxaa habeenkii xalay ahaa Radio Baydhabo ka hadlay gudoomiyaha golaha guurtida ee Koonfur-galbeed, Malaaq Xasan Shuri Maxamed isagoo sheegay inay ka hortagi doonaan ayna burburin doonaan maamulka cusub ee magaaladaas looga dhawaaqay.

Ma jiro hadal kasoo baxay dhinaca maamulka saddexda gobol ka kooban ee shalay looga dhawaaqay Baydhabo, iyadoo madaxweynaha maamulkaas Mad-deer uu ka sheegay kulankii doorashadiisa in howsha ugu horreysa ee uu qaban doono ay ugu horreyn doonto sugidda ammaanka gobollada maamulkaas hoos-yimaada.








Hiiraan Online, Baydhabo