4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Dowladda Jabbaan oo Gar-gaar Cusub ku Taageeraysa Dowladda Soomaaliya

Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — War kasoo baxay safaaradda Jabbaan ay ku leedahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Japan ay ka go'an tahay sidii ay u garab-istaagi lahayd dowladda hadda jirta oo ku tallaabsatay horumarro dhinaca amniga ah.

Ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe ayaa magaalada Tokyo kula kulmay asbuucyo ka hor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo halkaa booqasho ku tagay ,waxaana uu Shinzo ballan-qaaday in uu caawin doono Soomaaliya .

Dowladda Japan ayaa deeq ahaan Soomaaliya u siin doonta lacag gaaraysa 39.69 million oo dollar .waxaana lagu taageeri doonaa kor u qaadidda nabadda iyo xasiloonida hadda ka dhalatay qaybo kamid ah gobollada dalka.

Waxaa deeqda hirgalin doona ama ay sii mari doontaa 16 hay'adood oo caalami ah ,kuwaasi oo sida uu dhigayo sharciga Japan wada shaqayn rasmi ah  la yeelan doona labada dowladood si loo hubiyo in gar-gaarka sidii loogu tala- galay loo hirgaliyay.

Shinzo Abe waxaa kaloo uu sheegay in hay'adda GGP oo laga leeyahay dalkaasi ay kaalin buuxda ka gaysan doonto sidii loo ballaarin lahaa gar-gaarka ay dowladda Japan ugu tala-gashay shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan si wadi doonnaa  taageerada aan siinayno Soomaaliya si muwaadinka kasta oo Soomaaliyeed uu uga faa'idaysto "ayuu yiri Raysul-wasaaraha Japan oo soo hadal qaaday in labada dal uu xiriir wanaagsan ka dhaxeeyo.

Ugu danbayntii dowladda Japan ayaa Soomaaliya ku taageertay lacag gaaraysa 338.7 million oo dollar ilaa iyo sanadkii 2007-dii ,waxaana lacagahan badankood lagu qarash gaareeyay howl-galka AMISOM ee Soomaaliya oo waqtigaas so bilowday.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]