Hiiraan Online
3/29/2024
Today from Hiiraan Online:
Home
Somali Map
Sports
Opinion
RSS
Somali Music
Contact Us
Facebook
Twitter
Google Plus
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Barta muuqaallada lagu baahiyo ee Youtube oo laga mamnuucay Turkiga
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Dowladda Turkiga ayaa dalkeeda ka mamnuucday adeegsiga barta Youtube ee muuqaallada lagu baahiyo oo kamid ah baraha bulshadu ay ku wada xiriirto kuwooda ugu caansan looguna isticmaalka badan yahay.
Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Youtube lagu baahiyey cod la sheegay in laga duubay shir ay yeesheen madaxda sare ee Turkiga, saraakiisha ciidamada qalabka sida ee dalkaas iyo weliba madaxda sirdoonka, shirkaas oo looga hadlay xaaladda dalka Suuriya iyo tallaabada militari ee ugu habboon ee xilligan laga qaadi karo.
Ra'iisul Wasaare Tayyip Erdogan ayaa soo dhoweeyey go'aanka dalka Turkiga looga mamnuucay Youtube-ka, wuxuuna sheegay in marnaba aan loo dulqaadan doonin in baraha bulshada lagu faafiyo wax liddi ku ah dowladda Ankara dhaawacna u geysan kara sharafta dalka Turkiga.
Maxkamad ku taalla Turkiga ayaa isla todobaadkan soo saartay go'aan dadka dalkaas looga mamnuucay barta bulshada ee farriimaha gaagaaban lasoo dhigo ee Twitter-ka loo yaqaan. Horay waxaa Youtube-ka looga mamnuucay dalal ay kamid yihiin China iyo Bangladesh.
Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya
Qarax lala beegsaday AMISOM iyo weerar lagu qaaday Ciidamada Dowladda
3/28/2014 2:28 PM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Gaadiid ay wateen ciidanka AMISOM ayaa qarax lagula eegtay deegaanka Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo sidoo kale Al-shabaab ay weerar ku qaadday ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo ku socday degmada Qoryooley.
Maxay Diinta Islaamku ka Qabtaa falalka Burcad-badeednimada? (WAREYSI)
3/28/2014 1:26 PM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Waxaa noo suuro-gashay inaan ka wareysanno, Sheekh Cumar Maxamuud Wardheere (Xerow) oo ka mid ah culummada sida weyn looga yaqaan Muqdisho, waxaana wax ka weydiinnay wuxuu Islaamku ka qabto burcad-badeednimada, wareysigiina wuxuu u dhacay sidan:
Bannaanbax uu ka Qayb-galay M. Nuunow oo Baydhabo ka dhacay (SAWIRRO)
3/28/2014 12:38 PM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa aad u kacsan kaddib doorashadii madaxweynaha maamulka saddexda gobol ee shalay lagu doortay magaaladaas, Maxamed Xaaji C/Nuur (Maxamed Deer).
Wafdi ka socda Qaramada Midoobay oo maanta Gaaray Degmada Buula-burte
3/28/2014 12:16 PM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Saraakiil ka tirsan hay'adda QM qaarkood ayaa maanta gaaray degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM.
Dowladda Jabbaan oo Gar-gaar Cusub ku Taageeraysa Dowladda Soomaaliya
3/28/2014 12:13 PM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — War kasoo baxay safaaradda Jabbaan ay ku leedahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Japan ay ka go'an tahay sidii ay u garab-istaagi lahayd dowladda hadda jirta oo ku tallaabsatay horumarro dhinaca amniga ah.
Madaxweynaha Gal-mudug oo Qaylo-dhaan ka Muujiyay Firxadka Al-shabaab
3/28/2014 12:10 PM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Gal-mudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa mar kale ku baaqay inay u baahan yihiin inay helaan gacan ka caawisa Al-shabaab, waxuuna si cad u sheegay inay isku urur-sanayaan deegaanno ka tirsan Galmudug.
Ra'iisul Wasaare C/weli iyo wafdigiisii oo dalka dib ugu soo laabtay(SAWIRRO)
3/28/2014 11:00 AM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii magaalada Kampala ay uga qeybgaleen shir looga hadlayay ka hortagga abaaraha ee dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD.
Maamulka Hargeysa oo soo Ban-dhigtay Qariidad Hagaysa Ruuxa Cusub
3/28/2014 2:55 AM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Dowlada hoose ee Hargeysa ayaa soo bandhigtay Qariiradadda caasimadda oo dadka ku cusub magaaladda u tilmaamaya goobaha ay muraadka ka leeyihiin.
Maamulkii Degmada Afgooye oo xilalka laga qaaday iyo kuwo la magacaabay
3/28/2014 2:42 AM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa xilalka looga qaaday dhammaan xubnihii maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhakhtar laga hor-joogsaday Baaritaan uu ku sameyn lahaa dad Bukaan ah
3/28/2014 2:42 AM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Booliiska Somaliland ayaa shalay xabsiga u taxaabay Dr:Cali Macow oo hawlgal caafimaad ka waday magaaladda Hargeysa taas oo ilaa dhawr kun oo qof isku diiwaangeliyeen si loo baadho.
Madaxweynaha Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay Dhiggiisa Dalka Jabuuti
3/28/2014 2:31 AM EST
Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait kula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.
Somali News
European Union to support Puntland marine forces
-
Sabahi
3/28/2014 4:41 PM EST
President of the federal state of Puntland Abdiweli Mohamed Ali and members of his cabinet met with European Union ambassadors Thursday (March 27th) on board the French EU Naval Force flagship FS Siroco to discuss key issues related to political, security and development co-operation, and to participate in a special session on maritime security.
Parents in Bulo Burde seek answers on children abducted by al-Shabaab
-
Sabahi
3/28/2014 4:07 PM EST
Residents of Bulo Burde are worried about the fate of an unidentified number of children kidnapped by al-Shabaab on March 10th, days before the militants lost control of the town to allied forces.
KENYA: World Bank lends Kenya $204 million to repair airport after fire, major motorways
-
Reuters
3/28/2014 3:45 PM EST
The World Bank said on Thursday it had approved a $203.5 million loan to Kenya to fund its transport sector, part of which will help finance reconstruction at the country's main airport, a major regional air hub that was damaged by fire last year.
Kenya under pressure to reverse refugee order
-
TurkishPress
3/28/2014 3:35 PM EST
NAIROBI – Human rights activists have called on the Kenyan government to reverse an order for all urban-based refugees to be relocated into two camps in the north of the country.
Kenyatta and Somali community confirm pact to curb terrorism
-
Xinhua
3/28/2014 3:25 PM EST
Kenya’s President Uhuru Kenyatta on Friday entered into security pact with Kenyan Somali community to combat terrorism which has caused tension in the East African nation.
AU Drive Against al-Shabab Faces Somalia’s Rainy Season
-
VOA
3/28/2014 3:06 PM EST
WASHINGTON — As the UN-authorized African Union Mission in Somalia (AMISOM) continues its military offensive against al-Shabab insurgents in central Somalia, the rainy season approaches.
Kenya to Develop Nuclear Power Plant by 2022
-
Zegabi
3/28/2014 12:18 PM EST
The Kenyan government has disclosed plans of investing in the development of nuclear energy to compensate for the country’s energy needs and bolster development.
UN criticises Kenya's refugee clampdown
-
AFP
3/28/2014 12:11 PM EST
Geneva (AFP) — The UN refugee agency on Friday criticised Kenya's decision to order all refugees, most of them Somalis, to report to two overcrowded camps after a deadly attack on a church.
Fears over community response to khat ban
-
BPost
3/28/2014 7:34 AM EST
Home Office survey of people of Somali origin in Birmingham in 2005 found that 34 per cent said they had chewed khat in month before the interview
Kenyans enhance vigilance as threats of terror attack rise
-
Xinhua
3/28/2014 12:27 AM EST
At any time of the day, the streets of Nairobi are always teeming with hundreds of people going about their businesses. The huge human traffic has in the past made it difficult for security agents to protect citizens and thus terrorists have more than once targeted people on the streets.
Somalia's South-western State elects new president representing 3 regions
-
Sabahi
3/28/2014 12:25 AM EST
More than 700 delegates attending a three-region state formation conference in Baidoa elected Mohamed Haji Abdinur as president on Thursday (March 27th), Somalia's RBC Radio reported.
Amisom confirms capture of town in central Somalia
-
DailyNation
3/28/2014 12:20 AM EST
The final offensive waged over the last four days allowed the allied forced to seize several villages and pastoral lands, according to Mr Abdihakim Abdullahi Warsame, the Somali Government’s Deputy Governor of Galgadud region.
UK: No one from Somali community attends police bid..
-
BristolPost
3/28/2014 12:12 AM EST
POLICE officers attended an Easton neighbourhood forum meeting to explain their powers to stop and search – but no-one from the Somali community attended.