4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Maamulka Hargeysa oo soo Ban-dhigtay Qariidad Hagaysa Ruuxa Cusub


Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Dowlada Hoose ee Hargeysa ayaa soo bandhigtay Qariiradadda caasimadda oo dadka ku cusub magaaladda u tilmaamaya goobaha ay muraadka ka leeyihiin.

Map-kan samayntiisa waxa isla kaashaday Dawladda Hoose iyo UN-Habitat, kuwaas soo bandhigay Mape-ka magaaladda Hargeysa oo qofkasta ka helayo goobtu u baahdo sida Hoteeladda, xafiisyadda dawladda iyo goobaha muhiimka ah.

Kulan lagu soo bandhigayey waxa ka soo qaybgallay Xoghayaha Dawladda Hoose, xildhibaanadda golaha deegaanka iyo madaxda Hay’adda maalgalisay iyo marti sharaf.

Maayarka caasimada Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo ka hadlay  kulankan lagu soo bandhigayey khariiradada cusub ee ay  yeelan doonto caasimada Hargeysa ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin soo bandhigida khariiradadan cusub, waxaanu tilmaamay inay dawlada Hoose ee caasimada Hargeysa ay magaalada u samaysay nashqad cusub oo tilmaamaysa qaybaha kala duwan ee ay ka kooban tahay caasimada iyo dhismayaasha caanka ah ee ku yaala, waxaanu sheegay inay hirgelinta arintan kala kaashadeen hay’adda UN-Habitat oo ka caawisay fulinta barnaamijkaas.

“Dawladda hoose waxay samaysay goobihii muhiimka ahaa iyo wadooyinkii inay galiso mape kan oo qofkii ku cusub ama aan kala garanayn u sahlaysa inay goobta ay rabaan iyadoo cidi tilmaamin toos u tagaan, waxaana mapelkan dhigi doonnaa madaaradda”ayuu yidhi Maayirka Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo ka hadlayey Mapekan cusub ee ay caasimadda u sameeyeen.

Sidoo kale, waxa kulankan lagu soo bandhigayey khariirada cusub ee ay yeelan doonta caasimada Hargeysa, waxaana ka hadlay madaxa qorshaynta dhulka iyo nashqadaynta ee hay’adda UN-Habitat Emrah Andenis,  waxaanu sheegay inay ku faraxsan yihiin inay caasimada Somaliland u sameeyaan khariiradad, waxaanu sheegay in khariiradan cusub ee ay u sameeyeen magaalada Hargeysa ay u sahlayso dadka aan kala garanayn magaalada inay si dhibyar u helaan halka ay doonayaan  gaar ahaana hudheelada waaweyn iyo waddooyinka caanka ah ee dhex mara caasimada Hargeysa.

Sidoo kale, waxa uu maayirku dadweynaha caasimadda ku wargeliyey in la gallay wakhtigii xilli roobaadka, isla markaana loo baahan yahay in qashinka la iska ilaaliyo oo nadaafadda la ilaaliyo, waxaanu sheegay in maalin kasta la bilaabayo olole nadaafadeed oo laga fulin doono degmooyinka magaaladda, sidaa awgeedna laga wada qaybqaato.


Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland