4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Maamulkii Degmada Afgooye oo xilalka laga qaaday iyo kuwo la magacaabay


Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Wareegto kasoo baxday wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Somalia, C/llaahi Goodax Barre ayaa xilalka looga qaaday dhammaan xubnihii maamulka degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Xil ka qaadistan oo ah tii u horreysay oo xilal dhan looga qaado maamul degmo ayaa loo cuskaday qodobbo kala duwan oo ay ugu weyn tahay xagga amniga, iyadoo xubnaha xilalka laga qaaday la faray in xilalkooda ku wareejiyaan xubnaha cusub ee la magacaabay.

Mas’uuliyiinta xilalka laga xayuubiyay waxaa ka mid ah, guddoomiyihii degmada Afgooye, C/llaahi Cabdi Axmed (Iidey), guddoomiye ku-xigeenkii dhinaca siyaasadda iyo nabadgelyada, Mahdi Axmed Xasan, xoghayaha dowladda hoose iyo qaar ka mid ah xubnaha maamulka degmada.

Inkastoo wareegtadan aan si dhameystiran u helin, haddana waxaa la faray guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Hoose iyo laamaha ammaanka inay ka qayb qaataan fulinta xil-wareejinta maamulka cusub iyo maamulkii hore.

Dhanka kale, waxaa wareegtada lagu magacaabay guddoomiyaha cusub ee Afgooye iyadoo loo magacaabay, Xaaji Gaabow, ku-xigeenka degmada ayaa sidoo kale loo magacaabay Xuseen Jibriil, halka madaxa dowlada hoose loo magacaabay Cismaan Carab.

Xil-ka-qaadistan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo dhawaanahan maamlka gobolka Banaadir uu xilalka ka qaadayay guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaasoo lagu eedeeyay xil gudasho la’aan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya