4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 28, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya oo Kuwait kula kulmay Dhiggiisa Dalka Jabuuti


Jimco, Maarso 28, 2014 (HOL) — Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Kuwait ee xarunta dalka Kuwait kula kulmay dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle.

Labada madaxweyne ayaa waxay kulankooda uga hadleen xiriirka labada dalka u dhexeeya, iyadoo madaxweynaha Soomaaliya uu uga mahad-celiyay sida dowladda Jabuuti u garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

Dalka Jabuuti ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan ciidammo qayb ka ah AMISOM oo ka howlgala gobolka Hiiraan, waxaana dhawaan lix ka mid ah ciidamadaas lagu dilay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan oo uu dagaal culus ka dhacay.  

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Geelle ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay sidii ay taageero joogto ah u siin lahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, si loogu guuleysto hadafka ah in Soomaaliya nabad lagu soo celiyo.

Waddanka Kuwait oo uu kulanku ka dhacay ayaa waxaa ka socday dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay shirka madaxda dalalka Jaamacadda Carabta, kaasoo looga hadlayay dhibaatooyinka haysta dunida Carabta.

Dowladda Jabuuti ayaa waxay dhowr jeer dadaal u gashay sidii Soomaaliya ay nabad uga dhalan lahayd, waxaana lagu xusuustaa shirkii Carte lagu qabtay oo lagu soo dhisay dowladdii KMG ahayd iyo sidoo kale shirkii lagu heshiiyay maxkadmihii iyo dowladdii KMG ahayd ee C/llaahi Yuusuf.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya