4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Xaaladda Baydhabo oo Kacsan iyo Guriga Madoobe Nuunow oo la Weeraray

Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Xaaladda magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa weli kacsan kaddib doorashadii maamul goboleedka saddexda gobol, waxaana jira is-urursi ciidan oo u dhexeeya labada maamul ee kuwada sugan Baydhabo.

Weli waxaa magaalada ka socda shirarka kala gooni-gooni ah oo ay sameynayaan taageerayaasha labada naamul ee iska soo horjeeda, iyadoo mas’uuliyiinta lixda gobol ay sheegeen inay go’aan kasoo saari doonaan maamulka saddexda gobol.

Caawa ayaa bam gacmeed lagu weeraray guriga uu Baydhabo ka dagan yahay Madoobe Nuunoow Maxamed oo dhawaan loo doortay madaxweynaha maamulka lixda gobol ee Koonfur Galbeed, iyadoo ay ku dhaawacantay haweeney shaah ku iibsanaysay meel ku dhow guriga.

Lama oga cidda weerarka ka dambeysa, waxaana uu weerarka noqonayaa kii ugu horreeyay oo lagu qaado madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed tan iyo markii xilkan loo doortay dhowr toddobaad ka hor.

Dhanka kale, ciidamada Itoobiya oo ka tirsan kuwa AMISOM oo marayay jid laami ah oo u dhaxeeya degmada Buur-hakabo iyo magaalada Baydhabo ayaa waxaa soo weeraray xoogagga Al-shabaab, waxaaan weerarkan uu ka dhacay meel Baydhabo u jirta 7-km.

Dagaalka oo ahaa mid culus iyadoo uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta. Dadka deegaaanka ayaa sheegay in ciidammo Itoobiyaan ah ay halkaas ku dhinteen, iyadoo Al-shabaabna dhaawacyo iyo dhimasho ay soo gaartay.

Wararka ayaa sheegaya in waddooyinka magaalada Baydhabo ka baxa ay ku sugan yihiin xoogagga Al-shabaab. Maalintii shalay ayaa waxaa iyadana dhacay dagaal u dhexeeya Al-shabaab iyo ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo uu dhaawac ka soo gaaray sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada dowaldda, kaasoo lagu magacaabo C/raxman Macallin oo ahaa taliyihii saldhigga Daynuunay,.

Hiiraan Online, Baydhabo