4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Sarkaal ka tirsan Maamulka Jubba oo ku dhintay Qarax ka dhacay Kismaayo

Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Sarkaal sare oo ka tirsaaa ciidamada maamulka Jubba ayaa lagu dilay qarax maanta ka dhacay xaafadda Farjanno ee magaalada Kismaayo, iyadoo qaraxan loo maleynayo mid loogu xiray gaadiidka.

Goobjoogayaal ayaa HOL u sheegay in qaraxu ahaa mid xooggan oo laga maqlay inta badan magaalada Kismaayo, iyadoo sarkaalka ku dhintay qaraxaa magaciisa lagu sheegay, Maxamed Surre.

“Qaruxu wuxuu burburiyay gaariga sarkaalka, wuxuna marayay xilliga uu qaraxu dhacayay Siinaay oo ka mid ah xaafadda Farjanno, isagoo kusii jeeday gurigiisa,” ayuu yiri goobjoogaha la halday HOL.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in laba ka mid ah ilaaladii sarkaalka ay iyana dhaawacyo kasoo gaareen qaraxa, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay soo gaaray ciidammo fara badan oo baaritaanno aan la ogeyn cid lagu qabtay sameeyay.

Dhanka kale, maamulka Jubba ayaa dhacdadan awgeed bandow kusoo rogay guud ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, iyadoo bandowgu uu billaabanayo 7:00 fiidnimo uuna ku eg-yahay 6:00 aroodnimo.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka ahayd qaraxaas oo noqonaya kii labaad oo 24-saac gudahood ka dhaca magaalada Kismaayo, iyadoo dhawaanahan ay degmada Kisamayo ka dhacayeen falal ammaan-daro oo ay ka mid yihiin dilala qorsheysan oo ay geysanayaan kooxo bastoolado ku hubeysan.

Mas’uuliyiinta maamulka Jubba ayaa sheegay inay gacan bir ah ku qanan doonaan cid walba oo ay ku tuhmaan inay wax u dhimayso ammaanka magaalada Kismaayo iyo shacabka ku nool.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegatay inay mas’uul ka tahay qaraxyo ka dhacay gudaha Kismaayo, kuwaasoo uu ka mid ahaa mid lagu dilay sarkaalkii ugu sarreeyay ciidamada nabadsugidda maamulka Jubba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya