4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Shirkii IGAD ee ka Hor-tagga Abaaraha oo la soo Gaba-gabeeyay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Kulankii labaad ee shirka dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD ee ka hortagga abaaraha ayaa gellinkii dambe ee maanta lagu soo gaba-gaboobay magaalada Kampala ee dalka Uganda, shirkan oo socday intii u dhaxeysay 24-27 bishan Maarso ayaa looga hadlay arrimo badan.

Shirka oo uu marti-geliyay ayaa madaxweynaha Uganda, Yuweri Musevni ayaa waxaa ka qayb-galeen hogaamiyeyaasha dalalka IGAD iyadoo uu shir-guddoomiye ka ahaa ra'iisul wasaaraha Itoobiya, Hailamariam Desalegn.

Intii uu shirkan socday ayaa looga dooday qodobbo badan oo la xariira abaaraha iyo saameynta ay ku yeeshaan dadka iyo deegaannada iyo sidii loo abuuri lahaa fursado ay dadka ku nool deegaannada baadiyaha ah ku heli karaan biyo iyo baad xilliyada la waayo roobabka sannadka, taasoo ay ku dhintaan, kuna barakacaan dadweynaha reer guuraaga ah.

Shirkan ayaa waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa dawladaha deeqaha bixiya iyo hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay iyo hay'addaha NGO-yada, waxaana gaba-gabadii kulankan laga soo saaray qodobbo loogu gogol-xaarayo sidii dalalka IGAD ay isaga kaashan lahaayeen abuurista mashaariic horumarineed oo loo abuuro bulshooyinka ku dhaqan dalalka IGAD.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Dhanka dhaqaalaha ayaa waxaa ka saacidaya Bankiga Adduunka iyo QM, waxaana shirkani uu muhiimad gaar ah u leeyahay dalalka Soomaaliya iyo South Sudan oo wejiga koowaad ee maal-gelintan ka faa'iidaysan doona.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa kulanka khudbad aad u qiimo badan ka jeediyay, taasoo uu ku sheegay in abaaruhu ay yihiin dabiici ka dhasha roobabka oo baaqda iyo dagaallada, balse la abuuri karo qorshayaal looga gaashaamanayo abaaraha. isagoo dhanka kale xusay in marka ay abaaruhu ku dhuftaan qaybo ka mid ah dalalka IGAD loo baahan yahay jawaab deg-deg ah iyo iskaashi dhow oo ay yeeshaan dowladdaha IGAD.

"Dowladaha IGAD iyo bulshada waa inay si micno leh ugu baraarugaan dhibaatada abaaraha iyo natiijada ka dhalata, waana inaan si adag ugu howlgalno sidii aan u sameyn lahayn horumarin dhaqaale, bulsho, nabad iyo xasillooni," ayuu yiri ra'iisul wasaaraha oo xusay in dowladda Soomaaliya ay ku howlan tahay sidii looga saari lahaa deegaannada tirada yar ee ay weli ku harsan tahay Al shabaab, kaddibna loo xasilin lahaa dalka oo dhan, si ay u suuro-gasho in gurmad iyo horumarinba loo sameeyo dadka ku nool dhamaanba gobollada dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya