4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Haweenka SWA oo baaq cabasho ah u diray Dowladda Soomaaliya (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Kulan ay Muqdisho ku yeesheen Dhaqaaaqa Aayo-ka-talinta Haweenka Soomaaliyeed (SWA) ayaa laga soo saaray baaq cabasho ah oo ku wajahan dowladda Soomaaliya, gaar ahaan wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab).

Baaqaas ayaa looga codsaday wasiirka iyo duqa Muqdisho in qeyb libaax laga siiyo haweenka Soomaaliyeed magaacabista guddoomiyayaasha degmooyinka gobolka Banaadir oo hadda lagu guda jiro magacaabistooda.

“Maadama laga qadiyay haweenka Soomaaliyeed, ku xigeenadii guddoomiyeyaasha maamulka gobolka Banaadir, illaa haddana afarta degmo ee laga magacaabay aan gabar lagu soo darin, waxaan dalbanaynaa in haweenka laga qaybgeliyo xilalka loo magacaabayo guddoomiyeyaasha degmooyinka gobolka Banaadir,” ayaa lagu yiri baaqa ay soo saareen SWA.

Sidoo kale, baaqa ayaa looga dalbaday madaxda dowaldda inay garawsadaan cabashada haweenku ay soo jeedinayaan, isla markaasna magacaabistaan socota kaalin muuqata oo mug leh oo ay weli ku qanci karaan haweenka Soomaaliyeed laga siiyo.

Baaqan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo haweenka Soomaaliyeed ay wasiirka arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ay u jeediyaan, horay ay ugu jirtay guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee gobolka Banaadir hal qof oo dumar ah.









Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya