4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Itoobiya oo Sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn Siyaasadaha Soomaaliya

Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Danjiraha dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya, Wondimu Asammew ayaa sheegay inay dowladdiisa ay dhexdhexaad ka tahay siyaasadda is-diiddan ee Soomaaliya ka jira, isla markaana aysan wax lug ah ku lahayn maamullada is-haya.

Danjire Asammew oo wareysi siinayay Idaacadda Dalsan FM ee Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo kaleoo ay ka mid yihiin howlgallada ay ciiddanka Itoobiya ee ka mid ah AMISOM kula wareegeen degmada Ceel-buur iyo ujeeddada ay ciiddankoodu u  joogaan Soomaaliya.

“Itoobiya wax faragelin ah kuma hayso siyaasadaha is-diiddan ee Soomaaliya, sidoo kale waa been wararka sheegaya in Itoobiya ay taageerto Shariif Xasan Sh. Aadan oo ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu dajiruhu ku sheegay wareysiga.

Sidoo kale, danjiraha Itoobiya ee Soomaaliya ayaa sheegay inay dowladda Somalia ay mas’uul ka tahay inay maamul u soo magacowday deegaannada Al-shabaab laga  saaro, balse aysan iyagu wax shuqul ah ku lahayn arrintaas.

"Waxaan Soomaaliya u nimid si aan dowladda ka gacan siinno sidii lagu soo celin lahaa nabadda Soomaaliya, loogana adkaan lahaa Al-shabaab,” ayuu hadalkiisa ku daray darajiraha dowladda Itoobiya u jooga Soomaaliya, Wondimu Asammew oo ku daray hadalkiisa inaysan marnaba fara-gelin doonin arrimaha Siyaasadda waddanka Soomaalita.

Dhinaca kale, Wondimu Asammew oo wax laga weydiiyay dagaalka ciidamada dalka Itoobiya ka socda ee qaybta ka ah howlgalka AMISOM qabsashadii ay Ceelbuur ka qabsadeen shalay Al-shabaab, isagoo ku jawaabay inay ka mid tahay howlaha ay u joogaan Soomaaliya, gobolka Galguduudna uu ka mid yahay gobollada sida gaarka ah loogu xil-saaray inay ka howlgalaan ciidamadooda.

Isagoo arrintaasi sii sharraxaya ayuu sheegay inay ciidamada Itoobiya toddobaadyo ka hor gacanta ku dhigeen degmooyinka Xudur, Waajid iyo Rab-dhuure oo kawada tirsan gobolka Bakool ee Galbeedka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, danjiruhu wuxuu sheegay inay ciidamadooda la socdaan in ka badan Kun injineer, kuwaasioo deegaannadda la qabto ka fulinaya mashaariic lagu dayac-tirayo waddooyinka iyo adeegyada kale ee bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya