4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Mareykanka oo Kenya ka Caawinaya Sugidda Amniga Soohdinta Soomaaliya

Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Xukuumadda Washington ayaa Kenya ka caawinaysa sugidda amniga soohdinta ay la leedahay Somalia, kaddib codsi ka yimid madaxwaynaha Kenya, Uhuru Kenyatta iyo safiirka Maraykanka ee Kenya Robert Godec.

Dowladda Kenya ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay xoogga saarayso sidii ay ku adkeyn lahayd ammaanka guud ee xadka ay la wadaagto Soomaaliya, kaasoo ay ka dhacaan falal ammaan-darro oo mas’uuliyaddooda ay sheegato Al-shabaab.

"Waxaan dareemaynaa inay adag tahay sugidda amniga soohdinta labada dal oo ah mid aad u dheer. Waxaan xaqiijinaynaa in arrintan ay hir-gasho waxna laga qabto dhibaatada arrintan ka dambaysa ee Al-shabaabta Soomaaliya," ayuu yiri Godec oo u soo xiganayay wargeyska Daily Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.

Madaxweyne Kenyatta ayaa sidoo kale xusay in sidoo kale dowladda Mareykanka ay ka caawin doonto la-dagaallanka argagaxisada oo uu sheegay inay dhibaato aad u xooggan ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaa waajib nagu ah in aan Kenya garab-istaagno, waana wax naga go'an inaan ka caawinno inay dhibaatada haysata ka baxdo," ayuu mar kale yiri danjire Robert Godec.

Sidoo kale, Godec ayaa xusay in xafiiska dambibaarista Maraykanku uu ka caawin doono hay'adaha sirdoonka Kenya baaritaanka xaaladaha aragagixisada, isagoo ku boorriyay dowladda Kenya inay wadahadal la gasho dhallinyarada wax tabanaysa si looga leexiyo xag-jirnimada.

"Waxaa la gaaray xilligii kuwa jilicsan lasoo dhaweyn lahaa waxbarsho fiicanna loo siin lahaa, si aanay uga qaybqaadan dhibaatooyinka xagjirnimada ee gobolka ka jira," ayuu hadalkiisa kusoo gabgabeeyay dajiraha Mareykanka u jooga Kenya.

Kenya oo xuduud dheer la leh Somalia ayaa waxay tan iyo markii ay ciidamadeedu kasoo tallaabeen xadka dhammaadkii sannadkii 2011 la kulmaysay dhibaatooyinka isugu jira qaraxyo, weerarro toos ah iyo kuwo uu ka mid ahaa kii lagu qabsaday suuqa ganacsi Westgate Mall.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya