4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 27, 2014
Degmada Buuhoodle oo laga hirgeliyay biyo-gelintii ugu horeysay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 27, 2014 (HOL) — Magaalada Buuhoodle ayaa markii uuu horreysay laga hirgeliyay biyo-gelin, taasoo ay daa-furtay hay'adda UNICEF oo kaashanaysa ururka waddaniga ah ee SRO.

Illaa siddeed xarumood oo isugu jira iskuullo, xannaanooyinka, kaamamka ay ku nool yihiin barakacayaasha iyo meelo kale ayaa hadda si toos ah biyaha loo geeyay halkaasoo dadku ka dhaansadaan weel biyoodka ay haystaan.

Munaasibadda lagu daah-furayay mashruucan ayaa ka dhacday Buuhoodle, taasoo ay kao qayb-galeen, isimo, culummo, cuqaal iyo mas’uuliyiinta hay'adda SRO oo fulisay mashruuca biyo-gelinta.

Faarax Xaaji Cabdi oo ka mid ah odayaasha deegaanka  oo ka hadlay munaasabada biyo-gelinta ayaa sheegay in tani ay tahay dhameystirka wejigii koowaad ee biyo-gelinta, guulna laga gaaray. Isagoo intaas raaciyay in loo gudbi doono biyo-gelinta guryaha magaalada Buuhoodle.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddoomiyaha hay’adda SRO, Cabdirashiid Jaamac Biixi ayaa bulshada Buuhoodle ugu baaqay inay ilaaliyaan qalabka u rakiban ee sahlaya biyo-gelinta magaalada Buuhoodle mar haddii ay iyagu soo gaarsiiyeen magaalada.

Madax-dhaqameedka deegaankaasi oo ay ka mid yihiin: Garaad Saleebaan Buraale iyo Suldaan Siciid Cismaan Cali oo halkaas ka hadlay ayaa ku dardaarmay inay si dhab ah u ilaaliyaan agabka maanta horumarka Buuhoodle muujiyay; waxayna ku baaqeen in horay loo socdo oo tallaabooyinka baahiyeed ee taagan loo guntado sidii wax looga qaban lahaa.

Mashruuca biyo-gelinta Buuhoodle oo muddo sannad ah soo socday ayaa noqonaya kii ugu horreeyey oo noocan ah oo laga hirgeliyo magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool