Somalia iyo Ururka Shaqaalaha ee ILO oo Heshiis kala Saxiixday (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 21, 2014 (HOL) — Dowladda Soomaaliya iyo ururka caalamiga ah ee shaqada (ILO) ee hoos-taga Qaramada Midoobay loona yaqaanno International Labour Organisation ayaa heshiis caalami ah kula saxiixday magaalada Geneva ee dalka Switzerland xukuumadda Soomaalia, kaasoo ku saabsan kor-u-qaadidda shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha.

Heshiiskan ayaa waxaa Somalia u saxiixay ra’iisul wasaaraha xukuumadda, C/weli Sheekh Axmed, halka ururka caalamiga ah ee ILO uu u saxiixay, Aeneas Chapinga Chuma oo ah madaxa ururka ee Qaaradda Afrika.

Saxiixa heshiiskan oo ka dhacay xarunta ILO ee magaalada Geneva ayaa ahmiyaddiisu waxay tahay in shaqo-abuur loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed , lana hormariyo ganacsiga waaweyn iyo midka yar-yar ee ka jira Soomaaliya.

Heshiiskan ayaa danta laga leeyahay ay tahay sidii kor loogu qaadi lahaa tayada shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha si ay u sahlanaato in la dhaqan-galiyo barnaamijka Higsiga Cusub ee Soomaaliya ee loo yaqaano New Deal.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Ra'íisul wasaaraha Soomaaliya oo lagu mar-tiqaaday shirka ururka caalamiga ah ee ILO ayaa looga hadlay horumarinta shaqada ee dalalka kasoo kabanaya dhibaaatada, iyadoo dowladda Soomaaliya iyo ururka ILO ay markii ugu horreysay kala saxiixdeen heshiis ka kooban sadex qodob oo kala ah:

  1. Xorriyadda ururrada shaqaalaha iyo kulammada ay isugu yimaadaan.
  2. Xuquuq-siinta qofka shaqaalaha ah.
  3. La-dagaalanka caruurta lagu shaqeeyo ama la shaqaalaysiiyo.

Ururka ILO wuxuu ka caawinayaa Somalia dhanka tababarada iyo fulinta heshiiskan ka dhacay Geneva oo ah mid lagu xoojinayo tayayada shaqada iyo xuquuqda shaqaalaha, taasoo micneheedu yahay in ay qayb-weyn ka qaadato ammaanka iyo xasilloonida Soomaaliya.

“Heshiiska ay dowladdu la gashay ILO oo hoos yimaada Qaramada Midoobay waxaa uu u gogol-xaarayaa inaan buuxinno shuruudaha shaqada ee laga doonayo Somalia si ay ugu sahlanaato dadka iyo sharikadaha maal-gashiga inay ka qayb-qaataan dhaqaalaha dalka, waa inuu qofku yeesho xuquuq, isla markaana uu ka shaqeeyo shaqo la aqbali karo. Soomaaliya waxaa muddo ka jirtay in lagu tunto xuquuqda uu leeyahay qofka shaqaalaha ah. Heshiiskan wuxuu noo sahlayaa in caalamku ay noo aqoonsadaan dal laga shaqayn karo, isla markaana ay ka jirto xuquuqda shaqaale,” ayuu yiri ra’iisul wwasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kudbad uu ka jeediyay shirkii shalay ee ururka ILO wuxuu uga hadlay sida ay dowladdiisu uga go’an tahay dib-u-soo nooleynta dhaqaalaha dalka, abuurista shaqada iyo dib-u-dhiska kaabayaasha dhaqaalaha dalka, isagoo dhanka kalena ka warbixiyay xaaladda Soomaaliya iyo siyaasadda dowladdiisa ee ku aaddan xuquuqda uu leeyahay qof kasta oo muwaadin ah si ay arrintaasi uga qayb-qaadato xasilloonida dalka.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa kulan gaar ah la qaatay madaxa ururka ILO, Guy Ryder iyagoo kawada hadlay xoojinta xiriirka u dhexeeya iyo taageerada kala duwan ee Soomaaliya ay u baahan tahay in loo fidiyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya