4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Maamulka Jubba oo ka hadlay heshiiskii Dowladda iyo Maamulkooda
Axad, March 02, 2014(HOL) :- Afhayeenka maamulka KMG ee Jubba C/naasir Seeraar Maax oo dhawaan shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada Kismaayo ayaa ka warbixiyay arimo badan oo ay ka mid tahay xaaladda amni ee magaalada Kismaayo iyo weliba halka ay marayaan Wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba.

Masuulkan ayaa sheegay in kadib falal amni darro oo dhawaan ka dhacay magaalada Kismaayo ay sameeyeen guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona amniga degmada Kismaayo, kaasoo uu hogaamin doono wasiirka arimaha gudaha iyo amniga Mudane Max’ed Warsame Faarax (Darwiish).

Gudigan uu horkacayo wasiirka ayuu sheegay in uu ka shaqeyn doono amniga degmada Kismaayo, wuxuuna xusay in si joogto ah ay uga howlgeli doonaan shanta xaafadood ee ay ka koobantahay magaalada Kismaayo.

Afhayeenka ayaa dhinaca kale ka warbixiyay halka ay marayaan wadahadalladii dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba iyo weliba waxyaalaha ka qabsoomay heshiisyadii ay labada dhinac ku kala saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya.

C/naasir Seeraar ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay diyaar u yihiin in ay dhaqangeliyaan heshiisyadii ay la galeen dowladda Soomaaliya, wuxuuna ku dhaliilay dowladda Soomaaliya in ay ka gaabisay hirgelinta heshiisyadii la gaaray.

“Anaga Jubbaland ahaan wixii Barnaamijkaa nooga aadan inaan qabanno diyaar ayaan u nahay, waxyaalo badan oo gaabis ah oo ka imaanayo dhanka dowladda way jiraan, ama waxyaalihii la isku ogaa sidii loo fulin lahaa,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Afhayeenka ayaa sheegay in sida heshiiskii Adisababa uu qorayay ay wadaan qaban qaabo ku aadan shirweeyne dib u heshiisiin ah oo ay ka bilaabi doonaan gudaha deegaanada Jubooyinka.

“Maadaama Jubbaland ay hada dhalatay noqotayna maamul kusoo kordhay gobollada Soomaaliya, beesha caalamkuna aqoonsatay, inagu waxa weeye waajibka na saaran in umadda Soomaaliyeed dib u heshiisiin u sameyno oo aan ka biloowno Jubbaland gudaheeda, gobollada kale ee na xigana aan wadno,” ayuu intaa ku daray.

Dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ayaa hore heshiis ka koobnaa qodobo badan waxa ay ku kala saxiixdeen magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya, waxaana qodobada heshiiskaasi ka mid ahaa in shirar dib u heshiisiineed lagu kala qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo, in maamulka Dekedda iyo garoonka diyaaradaha Kismaayo lagu wareejiyo dowladda Soomaaliya mudo lix bilood kadib iyo qodobo kale, waxaana ilaa iyo imika qabyo ah inta badan qodobadii ay wada saxiixeen labada dhinac.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya