4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Al-shabaab oo soo Ban-dhigtay Saraakiil Kenyaan ah oo Muslimay

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Al-shabaab oo dowladda Soomaaliya iyo AMISOM kula jirta dagaallo hubeysan ayaa degmada Baraawe ee gobolka Shabeellada kusoo bandhigay maanta sarakiil Kenyan ah oo afduub ay u haysteen, kuwaasoo ay sheegtay inay qaateen diinta Islaamka,

Warar lagu daabacay bogagga Al-shabaab taageera maanta oo Axad ah ayaa lagu sheegay in saraakiishan muddo bilo ah ay kooxdu afduub ku haysteen ayna qaateen diinta Islaamka, balse ma sheegin inay ka mid noqonayaan Al-shabaab iyo kale.

Saraakiishan oo laba ah ayay Al-shabaab sannadkii hore kasoo afduubtay xadka ay Kenya iyo Soomaaliya u dhexeeya, waxaana Sheekh Cali Dheere uu sheegay in labadan sarkaal ay qaateen diinta Islaamka.


Masaajid ku yaalla degmada Baraawe ayay labadan sarkaal kasoo muuqdeen maanta iyadoo la sheegay inay dhawaan qaateen diinta Islaamka, waxayna halkaas ka akhriyeen aayadaha qur'aanka kariimka ah.

“Hadda kaddib labadan ruux ee Kenyaanka ah waxaan ka dhigaynaa walaalo; iyaga ayayna u tallaa inay ka mid noqdaan ka mid noqdaan walaalaha iyo inay iska tagaan, innagu markii ay islaamka qaateen ayaan kala dooran siinnay inay joogaan iyo inay iska tagaan," ayuu ka sheegay Sheekh Cali Dheere masjidka lagu soo bandhigay saraakiishan Kenyanka ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in labadan sarkaal markii ay ku dhawaaqeen inay diinta Islaamka qaateen ay u oglaadeen inay meeshii ay rabaan aadaan, balse ay iyagu doorteen inay iska joogaan.

Waa markii ugu horreysay oo Al-shabaab ay soo bandhigto xubno ay soo afduubeen oo diinta Islaamka qaatay, kuwaasoo saraakiil u hadlay Al-shabaab ay sheegeen inay iyaga u taallo inay joogaan iyo inay baxaan.

Al-shabaab oo weli gacanta ku haysa deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay ciidamada Kenya ay soo galeen Soomaaliya sannadkii 2011 waxay weerarro ku qaadayeen gudaha dalka Kenya, iyagoo dhowr jeer soo afduubay xubno u shaqeynayay dowladda Kenya oo isugu jira shacab iyo askar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya