4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Kulan lagu afjarayo colaad muddo dheer taagnayd oo ka furmay Sool


Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Wadahadallo la doonayo in lagu soo af-jaro colaad in ka badan 20-sano kusoo laalaabatay tuulada Adhi-cadeeye oo 30-km magaalada Laascaanood kaga beegan magaalada Laascaanood oo ka furmay xarunta gobolka Sool.

Wadahadalladan ayaa waxaa qaban-qaabadeeda waday maalmihii lasoo dhaafay qaar ka mid ah golaha guurtida maamulka Somaliland, iyadoo halka shirkan uu ka furmay lagu dhaariyay 18 ruux oo ka mid ah wax-garadka labada beelood ee ay u dhexeysay colaadda.

Caydiid Cabdi Maxamed oo madax u ah wafdiga golaha guurtida ee howshan wada ayaa wacdi iyo wax-sheeg halkaas uga soo jeediyay dhinacyada heshiiska la dhex-dhexaadinayo, waxaanu ka codsaday inaan wixii dhintay waxba la raacin xadhigga RABBINA la qabsado.

Sidoo kale, Caydiid wuxuu ka sheekeeyay dhacdooyinkii horay u soo dhex maray labada beelood, isagoo xusay in loo baahan yahay in si dhab ah loo wajaho danta labada beelood iyo deegaanka ay wada-degaan.

Guddoomiyaha gobolka Sool, Maxamed Faarax Aadan oo gaba-gabadii kulankaas ka hadlay ayaa wuxuu ka codsaday labada dhinac inay u hoggaansamaan maslaxadda la doonayo in colaadda soo laalaabatay lagu soo afjaro.

Waxgaradkii labadan beelood ayaa madasha ka ballan-qaaday dhaarta kaddib inay ka dhabeyn doonaan sidii loo afjari lahaa colaadda dhex-taalla, waxayna qaarkood codsadeen in wadahadallada laga billaabay magaalada Laascaanood loo raro Adhi-cadeeye si bulshadu markhaati uga noqoto wixii lagu heshiiyo.

Guurtidan ayaa waqti laga joogo toban sano soo afjaray colaadda beelahan dhex-martay, taas oo salfatay noolosha 16 ruux, balse colaadda ayaa dib u soo laabtay, iyagoo heshiis hordhac ah gaaray muddo hadda laga joogo saddex bilood.





Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool