4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
MALAAQ SHIINE: “Cidna kama ogalaanayno inaan shirkeena joojino”

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Malaaq Cali C/raxmaan Shiine oo ah Afhayeenka shirka Maamul u sameynta Gobolada Koonfur-Galbeed Soomaaliya ee ka socda Baydhabo ayaa ka dhawaajiyay inaysan jirin cid ay ka ogolaanayaan inay shirkooda joojiyaan.

Hadal uu warbaahinta siiyay ayuu Malaaqu ku sheegay in shirkooda uu gabo-gabo ku dhow yahay ayna dhameystirayaan, isagoo xusay in Maalinta Berri ah la dooran doono Mas’uulkii hogaamin lahaa Maamulka, maalinta xigta ee Talaadada ahna la dooran doono ku xigeenadii la shaqeyn lahaa.

“Maamulka aan dhisayno waa mid heer gabo-gabo ah maraya, mana jirto cid aan ka oglaanayno inaan joojino, waayo ma joogno meel aan ka laabano” ayuu Malaaqu ku yiri hadal warbaahinta uu ku siiyay Baydhabo Maanta oo Axad ah.

Sidoo kale Malaaq Shiine ayaa xusay in xilka Madaxweyanha Maamulka ay u tartamayaan lix xubnood oo uu sheegay inay ku jiraan xubno si weyn looga yaqaan gobollada uu ka shaqeyn doono maamulka ay dhisayaan, sidoo kalena la dooran doono labada Madaxweyne ku xigeen.

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Somalia ayaa waxay shalay gaareen Magaalada Baydhabo si ay isugu keenaan laba dhinac oo shirar iska soo horjeeda ay Baydhabo uga socdaan, si ergooyinka ay isugu yimaadaan shirweyne lagu dhisayo maamul ay ku mideysan yihiin.

Xubnahan wasiirada ah ayaa waxay si gaar-gaar ah ula kulmeen ergooyinka ay shirarku uga kala socdaan Baydhabo, balse weli kuma dhawaaqjin natiijadii uga soo baxday shirarkooda, iyadoo la sheegay in maanta ay wasiiradu kulamo la yeesheen waxgarad kala duwan.

“Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeennada Maamulka Koonfur Galbeed waxaa dooranaya Ergooyinkii horay loo xulay oo tiradoodu tahay 73 xubnood, kuwaasoo kasoo jeeda lixda gobo lee uu maamulkan kulmin doono” ayuu mar kale yiri Malaaq Cali Shiine.

Dhanka kale, Malaaqu wuxuu sheegay in Wasiirada ay soo xuli doonaan Madaxweynaha iyo ku xigeenadiisa la doorto, Ergooyinka odayaasha ahna ay soo xuli doonaan golaha baarlamaanka ee uu Maamulku yeelan doono, inkastoo uusan sheegin tirada Wasiirada iyo Xildhibaannada.

Inkastoo afhayeenka Shirka lagu dhisayo maamul goboleedka Koonfur-galbeed uu sheegay in aysan jirin cid ay kala tashanayaan sameynta Maamulkooda ayaa hadana waxay dowladu isku dayday dhowr jeer inayku qanciso ergooyinkan in la dhiso maamul ka kooban saddex gobol oo keliya.

Si kastaba ha ahaatee, lama oga talaabada ay dowladda federaalka Soomaaliya ka qaadan doonto dhismaha maamulkan, iyadoo ergooyinka ku shirsan xarunta ADC-da Baydhabo ay dhowr  jeer ku goodiyeen inay xiriirka u jarayaan dowladda dhexe ee Soomaaliya haddii ay aqoonsan waydo maamulka ay dhisayaan.

Maamulkan ayaa wuxuu kulmin doonaa gobollada Shabeellada Hoose, Jubbooyinka Bay, Gedo iyo Bakool oo ku yaala Koonfurta Somalia, iyadoo tani ay caqabad ku noqon karto maamulka KMG ah ee Jubba oo ka arimiya gobollada Jubbooyinka iyo Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya