4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Qaraxyo lagu Weeraray Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMSIOM

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Qaraxyo miino ayaa maanta si gaar-gaar ah loola kala eegtay ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo marayay xaafado ka tirsan degmooyinka Huriwaa iyo Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada AMISOM ayaa qarax miinooyinka lagula eegtay nawaaxiga isagoyska ex-kootarool Balcad ee degmada Huriwaaq, iyadoo aan la ogeyn khasaare ciidamada kasoo gaaray qaraxan.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in gaadiidka kolonyada ah la weeraray ay tiradoodu ahaayeen lix gaari oo ka yimid xerada Maslaxa ee duleedka Muqdisho kuna socday warshaddii Baastada oo ku dhow isgoyska ex-koontarool Balcad.

Sidoo kale, qaraxyo miino iyo bambooyin isugu jiray ayaa gaadiid ay wateen ciidanka dowladda Somalia lagula eegtay agagaarka labaajada Mahada-Alle ee xaafadda Carafaat oo degmada Yaaqshiid ka tirsan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in qaraxa miino kaddib bambooyin lagu tuuray gaari kale oo ay ka soo dageen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo gurmad ahaan ugu yimid ciidamadii qaraxa miino lala bar-tilmaameedsaday.

Laba qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rasaas ay fureen ciidamada dowladda Somalia kuwaa oo ahaa dad shacab ah, halka tiro kalena ay ku dhaawacmeen, iyadoo ciidamadii weerarkan lala bartilmaameedsaday ay dhowr askari ka dhaawacmeen.

Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxyadiin Jurrus oo warbaahinta hadlay ayaa sheegay inay qaraxyadan ahaayeen kuwo ay fuliyeen xoogag taabacsan Al-shabaab, balse ma aanu faahfaahin khasaaraha ka dhashay, iyadoo ciidamaduna ay baaritaanno ka sameeyeen xaafaddaas.

Jidka warshadaha ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa qaraxyo miino lagu eeganayay cidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo labadan degmo lagu sheego inay yihiin kuwo ay ku sugan yihiin xoogag taabacsan Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya