4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Ardayda Jaamacadda Bariga Afrika oo doortay Hoggaan (SAWIRRO)


Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu doortay hoggaanka ururka ardayda Jaamacadda Bariga Afrika, faraceeda magaalada Buuhoodle ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacddaas.

Munaasabadan oo ay kasoo qayb-galeen ardayda iyo maamulka jaamacadda, aqoon-yahanno, wax-garad, dadweyne iyo qurbo-joog ayaa looga hadlay doorashad kaddib ururka waxqabadkiisa iyo faa'iidooyinka uu bulshada reer Buuhoodle u leeyahay.

Sidoo kale, munaasabadan ayaa ugu horreyn waxaa ka hadlay afhayeenka ardayda jaamacadda Bariga Afrika, Cabdicasiis Cali Cawil oo sharraxay qaabka ay doorashadu u dhacday, isagoo xusay in guddoomiyaha ururka loo doortay, Mustafe Cabdi Maxamed, waxaanu intaas raaciyay in la dhamaytiray laamihii iyo hoggaannadii kale ee ururka.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Mustafe oo doorashadiisa kaddib hadlay ayaa ka warbixiyey hawlaha u yaalla oo uu sheegay in ay ka mid yihiin dugsiyo lacag la'aan ah oo laga furi doono degaanno kala duwan si aqoonta kor loogu qaado, wuxuu  kaloo sheegay inay dood-cilmiyeedyo joogto ah u qaban doonaan dhamaan dugsiyada ka jira degmada Buuhoodle iyo deegaannada ku dhow-dhow.

Dr. C/shaafi Axmed Cali oo ah hormuudka Jaamacadda Bariga Afrika ayaa isaguna si aad ah u soo dhaweeyay hoggaanka ururka ee la doortay; wuxuuna wax ka tilmaamay hawlaha u yaalla iyo wax-tarka ay bulshada u leeyihiin, isagoo ballan-qaaday inay maamul ahaan gacan ka siin doonaan hawlaha ay isu xil-saareen.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool