4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
CHINA: tirada dadkii ku geeriyoodey weerarkii mindiyaha oo korortay

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Faah faahin dheeri ah ayaa kasoo baxaysa weerar ay dad badani ku dhinteen oo gelinkii dambe ee shalay ka dhacay magaalada Kunming oo ah caasimadda gobolka Yunnan ee dalka Shiinaha.

Weerarka oo ka dhacay boosteejo tareemmada laga raaco, islamarkaana ay kooxo mindiyo ku hubeysni geysteen, waxaa ku dhintay 33 qof, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 130 qof oo kale.

Qof goob-jooge ah ayaa warbaahinta u sheegay in isaga oo boosteejada ku sugan uu arkay niman dhar madow xiran oo mindiyo wata oo si kedis ah goobta tareenka lagu sugo kusoo galay.

Goob-joogahan oo lagu magacaabo Yang Hayfi ayaa u sheegtay Telefishinka KTV ee fadhigiisu uu isla dalka Shiinaha yahay, in nin kamid ah kooxda weerarka soo qaadday uu isku dayey inuu iyada dilo, haseyeeshee markii ay aragtay in dhankeeda uu usoo ordayo ayey sheegtay inay cagaha wax ka dayday! Waxayse xaqiijisay in qofkii iyada ku xigey uu geeriyoodey.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa amar ku bixiyey in falkan baaritaan deg deg ah lagu sameeyo, isagoo ku gooddiyey in dadka weerarkan fuliyey iyo kuwa soo abaabuleyba sharciga la horkeeni doono.

"kooxaha argagixisada ah ee weerarkan waxashnimada ah geystey waa lasoo qabanayaa, waxaana la marsiin doonaa ciqaab sharciga waafaqsan" sidaas waxaa yiri Madaxweyne Xi Jinping.

Dhan kale, wakaaladda wararka shiinaha ee  Xinhua ayaa qortay in la aqoonsaday meydadka qaar kamid ah kooxihii weerarka soo qaaday, kuwaas oo lagu diley iska-hor-imaad iyaga iyo booliska dhex maray.

Xinhua oo soo xiganeysa mas'uuliyiin sare oo ka tirsan booliska magaalada uu weerarku ka dhacay ee Kunming,  ayaa sheegtay in weerarka ay fuliyeen dhallinyaro ka tirsan qowmiyadda uyghur-ka, taas oo dowladda Shiinuhu ay horay ugu eedeysey weerarro argagixiso oo horay dalkaas uga dhacay.

Qowmiyadda uyghur oo asalkeedu uu Turkish yahay, kana mid ah 56 qowmiyadood oo Shiinaha ku nool, waa dad Muslimiin u badan, waxayna deegaan ahaan ku xooggan yihiin gobolka Xinjiang.



Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya