4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Waaxda Garsoorka oo eedeysay xukuumada Somaliland iyo hadal...
Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Guddoomiyeyaasha Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex Faysal Cabdilaahi Ismaaciil (Dhago-dhago), gudoomiyaha Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan) iyo garsoore-yaal ka hawlgala maxkamadaha Hargeysa, ayaa xukuumadda Somalilland ku eedeeyey inay farogalin qaawan ku hayaan hawlaha garsoorka iyo in si cadaaladda loo shaqeeyo.

Garsoorayaashan ayaa tilmaamay wasiiro ay ka socon laadahay waaxda Garsoorka, isla markaana sheegay inay qaarkood xukuno dhacay waraaqo amar ah oo lagaga noqonayo usoo qoreen Garsoorayaasha, taas oo ay tilmaameen in aanay sharciga waafaqsanayn.

Waxaanay sidaasi ku sheegeen shirjaraa’id oo ku qabteen xarunta maxkamadda gobolka Maroodi-jeex, waxaanay si mugleh ugu soo bandhigeen caqabado badan oo hortaagan inay shaqadooda si madaxbanaan u gutaan sida Dastuurka ku cad.

“Garsoor la caayeyo oo la dhaliilayo ayuun baad arkaysaa waliba ha ugu darnaadaan wasiiradii dawladuye, waxaanu khaatiyaan ka taaganahay oo qofkii la soo xidho-ba daba socda ee sii daaya lihi waa wasiir oo haddii uu tuug noqdo iyo hadii uu dhaawac noqdo-ba 24-ka saacadood ninka sii daaya lihi waa wasiir oo ninkan wax dulminayaana waa nin wasiir haysta oo saxaafad iyo suldaan haysta oo Madaxtooyo gali kari oo beena sheegi kara oo loo heelan yahay weeyi horta ninka wax dulmiyaa”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda gobolka Maroodi jeex Faysal Dhego dhego oo ka hadlayey caqabadaha ay kala kulmaan wasiiradda xukuumadda ka tirsan.

Isagoo tilmaamay siday dadka dulmiga sameeyaa ee wax laga xukuma u dhaqmaan waxa uu yidhi “ Marka wax laga xukumo-na wuxuu odhanayaa garsooraha dacwada qaaday waa qoloma oo marka uu reerkooda noqon waayo ayaa hadana la odhanayaa gabadhiisu waa qoloma markaasuu reerkoodana noqon waayayaa, dabadeed ayaa la odhanayaa yey isku qolo yihiin garsoorahaasi markaasaa la odhanayaa hebel, isla markaas ayuu hebelkii aad isku qabiilka ahaydeen kula soo hadlayaa oo Xildhibaankaagii iyo suldaankaagii la doonanayaa halka ninka xaqa lihi aanu cidna la hadlaynin oo uu aayar halkaasi iska marayo, laakiin ka boro-bogaandada shubaya ee wasiirka haystaa ee baarlamaanka haystaa ee salaadiin iyo caaqilo haystaa waa daalinka oo ummadda oo dhami kula soo hadlayso ee aanu guryahayaga khaatiyaanka kaga taaganahay horta waa daalinkaas”.

“Qalinkaygani waxaanu ognahay inuu xukumo saddex wax ee ay naftu ugu jeclayd oo kala ah Naftii, Maalkii iyo Sharaftii, markaa saddexdii naftu ugu jeclayd ayaanu xukunaa oo godobtoodana waad garanaysaa”ayuu yidhi isagoo ka hadlaya shaqada adag ee ay hayaan, waxaanu intaas ku daray garsooruhu “ Askar baa ila socota oo hadana baabuur ma lihi dee markaa miyey ila sii lugaynayaan?, mida kale garsoorayaashaasi iyaga oo dil, tuug, qaadacul-dariiq iyo kufsiba xukumay ayey hadana shacbigii baskii la sii raacayaan. Hadaba nimanka wasiirada ah ee nin-nin dilay ka hadlaya oo nin-ninkale xabad ku dhuftay ku odhanaya ha xukumine dib noogu dhig”ayuu yidhi Garsoore Faysal oo ka hadlaya halista ay ku jiraan iyo sida aan looga war hayn.

Faysal Dhago-dhago isaga oo ka hadlaya maxaabiista maalinkasta loo keeno,waxa  uu yidhi “Maalinkasta 150 qof oo maxbuus ayey 14-ka saldhig ii keenaan, jeelkeena budhcad-badeed iyo argagixiso ayaa ku xidhan 50 qofna wuu qaadaa oo saldhigyadii ayuu ka rumaan gareeyaa, isla markaana waxaas oo garsoore ihi madaxa ma qaadaan oo wasiirada na dhaliilaya mid kaliya oo laga helo xafiiskiisa oo fadhiistaa ma jiro oo hay’ada dawladda 10-ka subaxnimo-ba waa wada faaruq, anagu ilaa kawda duhurnimo ilaa todobada subaxnimo madaxa ma qaadno oo nin garsoore ahi madaxa ma maqnaankaro oo dad baa u mudaysan. Hadaba wasiirka aan waxaa ogayn ayuun baa Tv-ga ka dhaleecaynaya meeshaas aad arkayso”ayuu hadalkiiisa ku daray.

Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka C/rashiid Maxamed Maxamuud (C/rashiid Duraan), ayaa isaguna aad u dhaliilay farogalinta golaha wasiiradu ku hayaan waaxda garsoorka oo ka madax banaan, isla markaana waxa uu sheegay inay waaxdooddu soo saarto dakhli badan balse  ay iyagu ka qatan yihiin.

“Dakhliga dawladda way ka qayb-qaataan garsoorku oo sanadkan oo kaliya lacag aan suurta-gal ahayn oo aan lagu talo-galin ama aan qorshahaba ku jirin ayey maxkamaduhu soo saareen iyaga oo ka dedaalay koodh-fiiga maxkamadaha laga qaado, ganaaxyada dadka maxaabiista ah ee la xukumay la saaro, cadaymaha guurka iyo furniinka iyo macaamilaadka kale ee ay maxkamadda degmadu samayso”ayuu yidhi gudoomiyaha maxkamadda Racfaanka Hargeysa C/rashiid Duuraan oo ka hadlayey dakhliga ay usoo xareeyaan dawladda.

Qareen Maxamed Siciid iyo garsooreyaal kale, ayaa iyaguna sida fiinta uga hadlay farogalinta qaawan ee uga imanaysa xukuumadda, taas oo khatar galinaysa cadaaladdii ay umaddu ka sugaysay.

Dhinaca kale, madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa ka jawaabtay farogalintaasi lagu eedeeyey, waxaanu sheegay madaxweynuhu in aanay jirin wax farogalin ah oo ay xukuumaddu ku hayso waaxda garsoorka, balse masuulka lagu sheego arrintaasi uu talaabo ka qaadi doonno.

“Ma jirto wax dacwad ah oo arrintaasi ku saabsan oo iga soo gaadhay gudiga caddaalada, waxaana iga go’an xukuumad ahaan in aanu gacan-buuxda ku siino gudashada waajibaadka garsoor ee ay qaranka u hayaan maxkamaduhu, waxaana la dareemi karaa intii ay xukuumadaydu ay timid waxyaabaha iyo isbedelada ka muuqda garsoorka dalkeena, hadii ay jiraan cid shaqsiya ay fara-gelin u gaysatay garsoorka marka la xaqiiyo ka dib waxaan ka qaadi doonaa talaabada ku haboon”ayuu lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweynaha oo uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxweynaha Axmed Saleebaan Dhuxul.

“Garsoorka iyo maxkamadeheena waxaa laga rabaa iyada oo la dhawrayo anshaxa dawladeed iyo wada shaqaynta ka dhaxaysa hay’addaha kala duwan ee dawlada, in wixii cabasho ah ee jira loo maro nidaam maamul iyo qoraal, balse aanay munaasib ku ahayn in warbaahinta la isu mariyo eedo iyo dacwado aan loo gudbin cidii ay khusaysay”ayaa lagu yidhi qoraalkaasi xafiiska madaxtooyada ka soo baxay.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland