4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
LIBYA : qulqulka tahriibeyaasha Soomaalida ah oo aad u kordhay

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) —Safaaradda Soomaaliya ee dalka Liibiya ayaa sheegtay in sannadkan ay si aad ah kor ugu kacday tirada tahriibayaasha Soomaalida ah ee gaaraya dalkaas, si ay uga tallaabaan badda dhexe (Mediterranean-ka) uguna sii gudbaan Qaaradda Yurub.

Safiirka dowladda Soomaaliya u jooga Liibiya, C/qani Maxamed Wacays, ayaa sheegay in qulqulka dhallinyarada Soomaalida ah ee tahriib-doonka ahi uu yahay mid joogto ah, isagoo intaas ku daray in celcelis ahaan bil kasta 100 qof oo Soomaali ahi ay Liibiya soo galaan.

" qulqulka tahriibayaashu waa mid joogto ah, dhallinyaraduna si xowli ahi ayey ku imaanayaan, bisha ay ugu yar tahay boqol wiilal iyo gabdho isugu jira ayaa imaanaya...hadda 150 ayaa xabsiyada ku jira, dadkaas badankooda labadii maalmood ee ugu dambeeyey ayaa la xiray" dan-jiraha Soomaaliya u fadhiya Liibiya ayaa sidaas warfidiyeenka u sheegay.

Dan-jiraha oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay, in Safaaraddu ay dadaal badan ku bixiso sidii dhallinyarada Soomaalida ah ee Liibiya ku sugan -ee qaarkood ay xabsiyada ku jiraan- looga dhaadhicin lahaa inay dib usoo noqdaan, inkasta oo sida uu tilmaamay ay taasi tahay mdi adag horayna ay uga daaleen.

"Nin qura oo inuu noqdo yeelayaa majiro, in badan ayaan ku dadaalnay, ku dadaalnay anaga, Qaramada Midoobay iyo dowladda Liibiya oo iskaashaneynaa sidii aan dhallinyarada ardeyda ah dib ugu celin lahayn, waase ka daalnay..."

Mudane Wacays, ayaa dhianca kale ka warbixiyey xaaladda in ka badan 100 qof oo Soomaali ah, dadkaas oo todobaadkii hore ciidamada badda ee Liibiya ay soo badbaadiyeen, kaddib markii doon yar oo ay la socdeeni ay kula xumaatay meel aan sidaas xeebaha Liibiya uga sii durugsaneyn.

Dadkaas oo sida C/qani Maxamed Wacays uu sheegay ay dumar iyo carruuriba ku jiraan, aad ayey xilligan xaaladoodu u wanaagsan tahay, waxaana lagu hayaa xabsi ku yaalla caasimadda Liibiya ee Tripoli.

Boqollaal tahriibayaal Afrikaana ah ayaa sannad walba ka baxa xeebaha dalka Liibiya, si ay ugu sii gudbaan Qaaradda Yurub, dadkaas oo intooda badni ay Geeska Afrika ka tagaan, waxaa ku jira qaar badan oo Soomaali ah, islamarkaana u badan dhallinyaro da'yar oo wiilal iyo gabdhoba isugu jira.


Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya