4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 2 , 2014
Ciidanka Galmudug oo howgallo ballaaran Gaalkacyo ka sameeyey

Axad, Maarso 02, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Gal-mudug Aweys Cali Siciid ayaa ka warbixiyey howlgallo dad lagu soo qabqabtay oo ciidamada ammaanka ee maamulkaasi ay 24-tii saac ee ugu dambeeyey magaalada Gaalkacayo ka sameeyeen.

Guddoomiyaha, ayaa warysi gaar ah oo uu siiyey Radio Daljir wuxuu ku sheegay inay jiraan tiro dad ah oo laga shekiyey, kuwaas oo ay boolisku soo qabteen xilliganna baaritaan lagu wado, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo " xog waan haynaa dad badan oo laga shekisan yahay ayaana la qabtay, baaritaan baa socda, wixii ka soo kordhana dib ayaan kasoo gudbin doonnaa"

Aweys Cali Siciid ayaa dhanka kale sheegay inay jirto wada-shaqeyn fiican oo ka dhexeysa labada maamul [Puntland iyo Gal-mudug], arrintaas oo sida uu tilmaamay laf-dhabar u ah xoojinta guud ahaan ammaanka gobolka Mudug.

"In lamabada maamul ay iskaashaadaan, booliskuna wada shaqeeyo waxaa ku jirta danta dadka iyo nabadgelyada gobolka, waa lagama maarmaan in si fiican loo wada shaqeeyo si ammaanka looga dhigo mid sugan" Mudane Aweys ayaa sidaas yiri.

Ugu dambeyntii, wuxuu guddoomiyaha gobolka Mudug ee maamulka Gal-mudug uu ugu baaqay qaybaha kala duwan ee bulshada gobolkaas ku dhaqan, inay si wadajir ah isaga kaashadaan sugidda ammaanka, meelna uga soo wada jeestaan cid kasta oo nabadgelyada iyo xasilloonida gobolka khal khal gelin karta.

Dhowaan ayey ahayd markii ciidamada ammaanka ee maamulka Gal-mudug ay qabteen nin dhallinyaro ah, kaas oo la sheegay inuu qayb ka ahaa saddex nin oo dad ku dhaawacay xaafadda Garsoor ee magaalada Gaalkacayo.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya