3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Boosaaso: Taliyihii ciidamada Daraawiishta PL ee Galgala oo la diley

Isniin, March 17, 2014 (HOL) -Waxaa galabta weerar gaadmo ah lagu diley taliyihii ciidamada Daraawiishta Puntland ee aagga Sugurre, Jaamac Siciid Warsame (Afguduud).

Warar hordhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in taliyaha lagu diley weerar gaadmo ah oo ka dhacay tuulada Laag oo qiyaastii 25km magaalada Boosaaso Koonfurta kaga beegan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in gaariga uu sarkaalka geeriyoodey watey qarax lala beegsaday, halka qaar kalena ay sheegayaan nin rasaas lagu furay.

Jaamac Siciid Warsame (Afguduud) ayaa labadii sano ee ugu dambeeyey ahaa taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee ku sugan dhulka ka sokeeya buuraleyda Gal-gala, halkaas oo fariisin u ah Al-shabaab.

Isbitaalka magaalada Boosaaso ayaa lasoo gaarsiiyey isaga oo dhaawac culus qaba, halkaas oo markii dambe uu ku geeriyoodey.

Faahfaahin dheeri ah lagama hayo weerarkan iyo weliba qaabka uu u dhacay, mana jiraan ilaa iyo hadda mas'uuliyiin dowladda Puntland ka tirsan oo ka hadlay.

Warar dheeraad ah oo arrintan ku saabsan dib ayaan idiinka soo gudbin doonnaa...

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya.












Click here
3/17/2014 12:25 PM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Hay’adaha Somali Media and Culture Center SMCC iyo ORDO oo ah hay’ad maxalli ah ayaa maanta tababar ku saabsan dimquraadiyadda iyo saxaafadda ugu qabtay hoteel Maka Al-Mukarama ee Muqdisho suxufiyiin ka socday qaybaha kala duwan ee warbaahinta.

3/17/2014 10:58 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia ahna wasiirka diinta iyo owqaafta, Ridwaan Xirsi Max'ed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Britain ee Soomaaliya, Neill Wigan, waxayna kawada hadleen gargaarka bani'aadanimo ee la gaarsiinayo dadka ku dhaqan goobaha laga saaray Al-shabaab, iyadoo Britain ay ka mid tahay dowladaha ka qayb-qaadanaya gurmadka iyo xasilinta goobahaas.

3/17/2014 10:47 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Wafdi wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinkii ay dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

3/17/2014 10:04 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Gudodomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday afhayeenkii gobolka Banaadir, iyadoo xilkaas loo magacaabay mas’uul cusub.

3/17/2014 9:38 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa maanta ku dilay isgoyska Maana-boolyo ee degmada Shibbis mid ka mid ah ciidanka dowladda hoose ee gobolka Banaadir, iyadoo dilka kaddib ay kooxaha hubeysan goobta isaga baxsadeen.

3/17/2014 9:27 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Orodyahanka ku dhashay Somalia balse u orda dalka Ingiriiska ayaa dhulka ku dhacay orod Maratoon ah oo ka dhacayay magaalada New York,kaasi oo ay ka qayb-galayeen orod-yahanno dunidan caan ka ah.

3/17/2014 3:03 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) —Dadka gobolka Crimea(Kiriimiya) ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in gobolkaasi uu ka go'o Ukraine, kana mid noqdo Dowladda Federaalka ah ee Ruushka, kaddib afti laga qaaday shalay oo Axad ahayd.

3/17/2014 2:31 AM EST
Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) —Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo Wasiirka Warfaafinta Mustaf Sh. Cali Dhuxulow, ayaa kulan casho-sharaf ahaa xalay magaalada Muqdisho kula qaatay fannaaniin ka tirsan Hooballadii Waaberi.

3/17/2014 1:45 AM EST
Isniin, March 17, 2014 (HOL) -Kulan looga hadlayey dhibaatada ka haysata waxbarashada da’yarta Soomaaliyeed ee qurbaha gaar ahaan gobolka Ontario ayaa bishan 15keedii lagu soo bandhigay masaajidka Assalam ee magaalada Ottawa.