4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Wasiirka Diinta iyo Neill Wigan oo kawada hadlay goobihii la qabsaday

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Ra'iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Somalia ahna wasiirka diinta iyo owqaafta, Ridwaan Xirsi Max'ed ayaa maanta kulan la yeeshay safiirka Britain ee Soomaaliya, Neill Wigan, waxayna kawada hadleen gargaarka bani'aadanimo ee la gaarsiinayo dadka ku dhaqan goobaha laga saaray Al-shabaab, iyadoo Britain ay ka mid tahay dowladaha ka qayb-qaadanaya gurmadka iyo xasilinta goobahaas.

Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in xubno ka mid ah golaha wasiirrada ay degmooyinka Al-shabaab laga saaray booqdeen, si ay uga qayb-qaataan inay ka caawiyaan bulshadda deegaannadaasi xasilloonida iyo adeegyada kale ee dadweynuhu ay u baahan yihiin.

"Magaalooyinkaas waxaa ka socda gurmad baaxad leh oo bulshada caalamku ay qayb ka tahay. Waan sii xoojin doonnaa gurmadka iyo dhismaha maamullada ka howlgalaya deegaannadaas, iyadoo ay nagala shaqeyn doonaan qaybaha kala duwan ee bulshada," ayuu yiri wasiirka Diinta iyo Owqaafta .

Ugu danbayn, afhayeenka xukuumadda, Ridwaan Xaaji Cabdiwali oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xubno ka tirsan golaha wasiirrada ay socdaal ku tageen goobaha laga xoreeyay Al=shabaab si ay kaalin muuqata uga qaataan gurmadka iyo xasilinta.

Ciidamada dowladda Somalia oo kaashanaya kuwa AMISOM ee ka socda dalalka Itoobiya iyo Jabuuti ayaa dhawaan kooxda Al-shabaab kala wareegay deegaano ku yaalla gobollada, Bakool, Hiiraan iyo Gedo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya