4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Wasiiro iyo Xildhibaano Maanta tagay degmada Xudur ee gobolka Bakool

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Wafdi wasiirro iyo xildhibaanno isugu jira ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo ka mid ah degmooyinkii ay dhawaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab.

Xubnahan wafdigan ayaa waxay ka koobnaayeen: wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, C/llaahi Goodax Barre, wasiirka gaashaandhigga, Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Somalia oo gboolkaas ka soo jeeda.

Guddoomiyaha degmada Xudur Maxamed Macallin ayaa sheegay in wafdigan ay ku yimaadeen Xudur kormeer, balse aysan jirin wax gargaar ah oo ay wadaan, isagoo intaas ku daray in socdaalkan uu ka mid yahay kormeerro lagu sameynayo goobihii Al-shabaab laga saaray.

“Wafdigan socdaalkooda waa mid kormeer ah, balse ma jirto wax gargaar ah oo ay u wadaan dadka deegaanka, waxaana filaynaa in kormeerkooda kadidb wixii loogu talogalay shacabka degmada la keeni doono halkan,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Socdaalka wafdigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaan ra’iisul wasaare Cabdiweli Shiikh Axmed uu sheegay inay wafdiyo heer wasiir ah u dirayaan goobihii Al-shabaab laga saaray si ay xaaladda u soo indho-indheeyaan loona gargaarna loo geeyo.

Degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii Al-shabaab looga qabsaday howlgallada ay ciidamada Itoobiya iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka billlaabeen gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya