4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Afhayeenkii Gobolka Banaadir oo la bedelay iyo Afhayeen la Magacaabay

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Gudodomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa maanta wareegto kasoo baxday xafiiskiisa waxaa xilkii looga qaaday afhayeenkii gobolka Banaadir, iyadoo xilkaas loo magacaabay mas’uul cusub.

Wareegtada ayaa xilkii looga qaaday Maxamed Yuusuf Cismaan oo dhowrkii sano ee lasoo dhaafay ahaa afhayeenka maamulka gobolka Banaadir, waxaana afhayeenka cusub ee gobolka Banaadir loo magacaabay, Cabdibaasid Maxamed Cabdiraxmaan.

“Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa Muqdisho wuxuu xilka afhayeenka gobolka Banaadir u magacabay Cabdibaasid Maxamed C/raxmaan, iyadoo xilkii laga qaaday guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir, waxaana wareegtadani ay si rasmi ah u dhaqangalaysaa markii uu saxiixo guddoomiyaha gobolka Banaadir,” ayuu yiri afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir oo warbaahinta u akhriyay wareegtada xilka looga qaaday, laguna magacaabay afhayeenka cuusb.

Sidoo kale, wareegtada ayaa lagu fartay afhayeenka cusub inuu howshiisa si hufan u guto, iyadoo mas’uuliyiinta kale ee ay shaqadu kala dhexeysana la faray inay si wanaagsan ula shaqeeyaan afhayeenka xilka looga magacaabay.

Intaas kaddib ayaa waxaa afhayeenkii hore ee maamulka gobolka Banaadir uu xilkii ku wareejiyay afhayeenka cuusb ee la magacaabay, iyadoo afhayeenka cusub oo ka hadlay goobta uu sheegay inuu dalbanayo in lala shaqeeyo.

“Waxaan uga mahadcelinayaa howshii uu qabtay afhayeenkii hore ee gobolka, aniguna waxaan codsanayaa in la ila shaqeeyo, waxaana howsha la ii magacaabay u gudan doonaa si sharciga waafaqsan,” ayuu yiri afhayeenka cusub ee maamulka gobolka Banaadir yiri.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa iyadoo toddobaadkii hore xilalkii laga qaaday guddoomiye ku xigeennadii maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayihii hore ee maamulka gobolka banaadir, kuwaasoo lagu bedelay mas’uuliyiin cusub.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya