4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Kooxo hubeysan oo Toogasho ku dilay Askari ka tirsanaa Dowladda Hoose

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Dabley ku hubeysan bastoolado ayaa maanta ku dilay isgoyska Maana-boolyo ee degmada Shibbis mid ka mid ah ciidanka dowladda hoose ee gobolka Banaadir, iyadoo dilka kaddib ay kooxaha hubeysan goobta isaga baxsadeen.

Kooxaha hubeysan oo tiradooda lagu sheegay saddex qof ayaa askariga ka toogtay qaybaha sare ee jirka, iyagoo goobta isaga baxday, waxaana dadka goobta uu dilku ka dhacay ku sugnaa ay sheegeen in dableydu ay rasaas la dhaceen marxuumka.

Maamulka degmada Shibbis ayaa sheegay inay wadaan baaritaanno ay kooxihii ka dambeeya dilka ku raadinayaan, iyadoo dilkan uu ka mid noqonayo dilal dhowrkii casho ee lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho.

Kooxo hubeysan ayaa dhawaan Muqdisho ku dilay saddex haween ah, kuwaasoo lab aka mid ah la sheegay inay ahaayeen haweenka tallaalka ka shaqeeyan, iyadoo maalin cad lagu dilay xaafadda Zone K ee degmada Hodan.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in haweenkan ay dileen kooxo hubeysan ayna goobta ka baxsadeen, sidoo kale gabar u shaqeynaysay maxkamadda sare ayaa iyadana lagu dilay habeen hore dhabarka dambe ee Isbtiaalka Difgeer ee degmada Hodan.

Falalka ammaan-darrada ah ee u badan dilalka qorsheysan ayaa Muqdisho kusoo badanayay maalmihii lasoo dhaafay, iyadoo guddoomiyaha cusub ee gobolka uu ka dhawaajiyay inay isbedel ku sameyn doonaan amniga guud ee Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay Muqdisho ugu sugan yihiin dagaalyahanno fuliya howlgallada ay u baahan yihiin, iyadoo dilalka kusoo kordhay Muqdisho ay ku keeneen shacabka cabsi weyn.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya