4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Orodyahan Mo Farah oo sheegay inuu ka qaybgalayo London Marathon

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) — Orodyahanka ku dhashay Somalia balse u orda dalka  Ingiriiska ayaa dhulka ku dhacay orod Maratoon ah oo ka dhacayay magaalada New York,kaasi oo ay ka qayb-galayeen orod-yahanno dunidan caan ka ah.

"Aad ayaan u orday, taas ayaa keentay inaan dhulka ku dhaco, balse hadda waan wanaag-sanahay wax weynna ma ahan arintan oo  kale "ayuu yiri Mo Farah oo sheegay in uu hambalyaynayo orod-yahanka ka guulaystay.

Tartankan oo ahaa 13.1 mile ayaa waxa uu ahaa tartankii ugu horeeyay ee uu ka qeybgalo orodoyahankan u orda dalka Ingiriiska tan iyo bishii September ee sanadkii la soo dhaafay,waxaana Mo uu ku dhamaystay 61-daqiiqo iyo sideed sikin.

"Xaaladdiisa caafimaad aad ayey u wanaagsan-tahay diyaar ayuuna u yahay inuu sii wato howlihiisa "ayey tiri xaaska Mo Farah oo iyadana warbaahinta la hadashay ka dib markii sawirro muujinaya miir-daboolkisa warbaahinta ay sii daysay .

Waxaa tartankan Mo Faraha kaga guulaystay orodyahan u dhashay dalka Kenya oo lagu magacaabo Mutai ,waxaana markii uu miir-dabool-may kaddib uu sheegay in qorshihiisa orodka aysan waxba iska badali doonin, isla markaana uu sii wadi doono tababaraddii uu horey u waday.

"Waxba iskama badali doonaan ,tababarkaygana si wanaagsan ayuu u sii socon doonaa , way fiicnaan lahayd inta halkan imaato inaad ku guulaysato tartanka, balse Mutai waxaa orodyahan fiican "ayuu hadalkiisa ku daray Mo.

Orodyahanka Mo Farah ayaa lagu wadaa in uu dib ugu laabto Kenya taalaadada soo socota si uu labo toddobaad oo kale uu tababar ugu soo qaato halkaas  kahor inta uusan dib ugu soo laaban London oo uu kaga qayb-gali doono London Marathon.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]