4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 17, 2014
Dadka Crimea oo u codeeyey inay Ruushka raacaan(SAWIRRO)

Isniin, Maarso 17, 2014 (HOL) —Dadka gobolka Crimea(Kiriimiya) ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyey in gobolkaasi uu ka go'o Ukraine, kana mid noqdo Dowladda Federaalka ah ee Ruushka, kaddib afti laga qaaday shalay oo Axad ahayd.

Natiijo hordhac ah oo la shaaciyey isla gelinkii dambe ee shalay, ayaa lagu ogaaday in dadka afti-ururinta ka qayb qaatay 95% ay u codeeyeen in Crimea uu noqdo gobol Ruushka raacsan.

Dowladda Maraykanka oo Ruushka uu loollan xoogani ka dhexeeyo horayna u caddaysay mowqifkeeda ku aaddan aftidan, ayaa sheegtay in natiijada kasoo baxday ay tahay mid aan sinaba loo aqbali karin.

Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo khadka telefoonka kula hadlay dhiggiisa dalka Ruushka Vladimir Putin, ayaa sheegay in Maraykanku marna aanu aqbali doonin natiijada kasoo baxday aftida laga qaaday dadka ku dhaqan gobolka Crimea oo u badan dad asalkoodu uu Ruush yahay.

Dhanka kale, Midowga Yurub ayaa kasoo horjeestey natiijada kasoo baxday aftida laga qaaday dadka gobolkaas ku dhaqan, waxay ku tilmaameen inay tahay mid ku dhacday qaab aan sharci ahayn.

Xukuumadda Moscow oo ciidamo 20,000 oo askari kor u dhaafayaa ay Crimea ka joogaan, waxay sheegtay inay xaq u leedahay difaacista danah gobolkaas kaga xiran.

Xiisadda siyaasadeed ee ka aloosan gobolka Crimea ayaa ah tii ugu xooganeyd ee ka dhex dhalata Ruushka iyo dalalka kale ee Reer-galbeed wixii ka dambeeyey Dagaalkii Qaboobaa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya