4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Ciidanka Dowladda iyo AMSIOM oo la Wareegay Degmada War-sheekh

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay manta gacan ku haynta degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe iyo tuulooyin hoostaga degmadaas; iyadoo aysan wax dagaallo ah dhicin.

Degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellada dhexe oo dhinaca xeebta ku taalla ayaa ka mid ah deegaanno dhowr ah oo ay ciidamadan la wareegeen, iyagoo ka sameystay halkaas fariisimo ciidan.

Aroornimadii hore ee saakay oo Axad ah ayay ciidamadani ka dhaqaadeen fariisimo ay ku lahaayeen deegaanka Ceel Macaan, waxayna gaareen degmada Warsheekh iyagoo sii maray tuulooyin hoos yimaada degmadaas.

Ma jirin wax ciidammo ah oo Al-shabaab ka tirsan oo ku sugnaa Warsheekh, hase ahaatee billooyinkii lasoo dhaafay, iyadoo wax maamul ah aanu ka jirin degmadaas marka laga reebo waxgaradka degmada oo is-maamulayay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Somalia ay ku wajahan yihiin degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe oo ka  mid ah goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab.

Degmada Warsheekh ayaa waxay ka mid noqonaysaa degmooyin dhowr ah oo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay kala wareegeen Al-shabaab, kuwaasoo Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya