4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Madaxweyne Xasan: “Japan waxay naga saacidaysaa dib-u-dhiska dalka”

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamud ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kaddib booqasho rasmi ah oo uu ku tagay dalka Jabbaan.

Madaxweynaha oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri: “Booqashadeenna Japan waxay ahayd mid taariikhi ah oo aan sii xoojinay xiriirka labada dal. Jabbaan waxay noo ballan-qaaday 40-million oo dollar oo kaalmo ah iyo inay dib u dhiska dalka qayb weyn ka qaadato.”

“Bacdamaa aan u gudubnay heerkii horumarinta dalka, dowladda Jabbaan waxay naga kaalmeynayaan dhanka beeraha, xoolaha, kalluumeysiga, shaqo u abuurista dhallinyarada iyo dhanka tiknolojiyada oo Jabbaan ay caan ku tahay,” ayuu mar kale yiri madaxweynuhu.

Isagoo sii hadlaya ayuu yiri: “Waxaan la kullanay boqorka waddanka Japan, ra’iisul wasaaraha, madaxda Aqalka Sare ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin ka kala socday dhanka ganacsiga iyo hay’adaha aan dowliga ahayn. Waxaana noo suuro-gashay in dhammaan mashaariicdii aan hor-dhignay nalaga aqbalay oo xiriirka labada dal uu noqonayo mid joogta ah.”

Guulaha howl-gallada dalka ka socda:

Madaxweynaha Soomaaliya oo sidoo kale ka hadlay howlgallada gobollada dalka ka socda ayaa yiri: “Waxaan u hambalyeynayaa ciidanka geesiyaasha Soomaaliyeed oo taageero ka helaya AMISOM kuwaasoo guulo waaweyn ka gaaray howlgalladii aan muddo sannad iyo bar qorsheynaynay.”

Sidoo kale, waxaan u hambalyeynayaa buu yiri shacabka Soomaaliyeed oo kaalin wax ku ool ah ka qaatay, isla markaana taageero buuxda siiyay ciidammada is-bahaysanaya oo ku tilmaamay kuwo geesiyaal ah.

“Al-shabaab waa la baacsaday wayna sii cararayaan; isla markaana waxay baadi-goobayaal meelo ay ku dhuumaaleystaan, si ay shacabka waxyeello ugu geystaan. Waa inaan kawada shaqeynaa sidii aan loo siin lahayn meelo ay ku gabbadaan iyo meelo ay carruurta iyo dhallinyarada ku duufsadaan,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in siyaasadda dowladda ee xasilinta dalka ay tahay in goobaha laga saaro Al-shabaab si deg-deg ah loogu gurmado oo shacabka ku nool la gaarsiiyo gar-gaar bani’aadanimo. Isagoo xusay in beesha caalamka ay muddo kala shaqeynayeen xasilinta dalka, sidaas daraadeedna maanta la joogaa waqtigii ballan-qaadyada laga dhabeyn lahaa oo aan wada dhaqan-gelin lahayn qorshaha xasilinta dalka. Waa waqtigii aan u gudbi lahayn buu yiri wax qabad dhab ah.

“Shacabka deegaannada laga xorreeyay Al-Shabaab waa inay arkaan faa’iidada ay nabaddu leedahay, maamul wanaag iyo in shacabku ay aayahooda ka tashadaan. culummada Soomaaliyeed door weyn bay ku leeyihiin si shacabka loogu wacyigeliyo fahamka diinta saxda ah. Waxaan baaq u dirayaa shacabka, ganacsatada, qurbo-joogta iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in la taageero ciidanka iyo shacabka deegaannada laga xoreeyay Al-shabaab.”

Ugu dambeyn, waxaan tacsi u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed geeridii boqorka cod, fannaan Maxamed Suleyman Tubeec oo maanta lagu aasay Muqdisho Samir iyo Iimaan Alle ha naga wada siiyo, qoyskii, asxaabtii iyo shacabkaba.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya