4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Shacabka Wajaale oo ka dibadbaxay nin ay koronto dishay (SAWIRRO)


Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Mudaharaad ballaaran ayaa xalay iyo maanta ka dhacay magaalo xuduudeedka Togwajaale, ka dibmarkii laba nin oo shacab ah uu ku dhegay Laydhka shirkadda Telesom oo mid ka mid ah labadaasi qof u geeriyooday.

 Dadweynahan ayaa ka cadhooday ka dib markii shirka Laydhka ee Telesom ee magaaladda laydhka u sidaa sheegtay in aan magta lagu lahayn, taasina ay keentay inay dadweynuhu ku kacaan oo mudaharaad balaadhan ka dhigaan magaaladda.

Ciidanka booliska ayaa isku dayey inay rasaas ku kala dareeriyaan, haseyeeshee kuma guulaysan inay kala dareeriyaan dadkaasi ,waxaana la sheegay inay dhawr jeer warshadda laydhku bakhtiiyeen cabsi ay ka qabaan dadweynaha mudaharaadaya.

"laba nin oo shacab ah ayaa xalay laydhka shirkadda Telesom ee isgaadhsiinta laydhkeedii qabsaday ka dibna nin markiiba halkii buu ku geeriyooday, halka kii kalana ku dhaawacmay, waxaanay shirkadu tidhi magta ninkaasi waxa lagu leeyahay iskarogo jartay xadhiga laydhka oo goob u dhowayd guri ka dhisaysey, arrintaasi markay maqleen ayey dadkii ku kaceen"ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah ganacsatada ku dhaqan Wajaale oo khadka Telefoonka ugu waramayey HOL isagoo jooga Wajaale.

Dadweynihii ayaa sheegay in aan la aaseen maydka ilaa ay bixiso magta marxuumka, taasina waxay keentay inay kala xidhmo ganacsigii, maadama oo magaaladu tahay magaalo ganacsi oo inta badan Itoobiyaanku wax ka iibsadaan.

Waxa saaka ku soo kalahay wefti uu hogaaminayo wasiirka Warshadaha, Abiib Timacad iyo xildhibaano golaha wakiilada ka tirsan oo ka soo jeeda deegaankam kuwaas oo ku guulaystay inay joojiyaan mudaharaadkii, isla markaana la isku keeno eheladii marxuumka geeriyooday iyo shirkada Laydhka ee Telesom. Ka dibna lagu heshiiyey in marxuumka dhintay la aaso, iyadoo shirkadu qaaday wixii dambi ee dhacay iyo magta ninkaasi, inkastoo ay shirkaduna xidhay gaadiidkay ku tuhmaysay inay gooyeen xadhiga.

"Waxaa lagu heshiiyay inay kiiskaasi ay shirkaddu leedahay oo laydhkeedu wax dilay, magtii marxuumkana ay bixiso"ayuu yidhi Maxamed oo ka waramayey waxa lagu heshiiyey.


Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland