4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Dowladaha Hoose iyo Xukuumadda Somaliland oo ka Heshiiyey khilaaf

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud C/risaaq Khaliilf iyo Maayarka Caasimadda Hargeysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid, ayaa si wada jir ah u sheegay inay xaliyeen wixii khilaaf ah ee soo dhexgalay labadooda dhinaca, isla markaana wixii dhiman ee arrimo farsamana lagu dhamayn doono xafiisyada dawladda.

Wasiirka Hawlaha guud iyo Maayirka Hargeysa, ayaa maanta shirjaraa’id oo ay arrintaasi ku shaacinayeen ku qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo sheegay in la buunbuuniyey khilaafkii soo kala dhexgalay dawladaha hoose iyo dawladda dhexe.

“Waxaa baryahan jiray warar qoloba si u dhigayeen oo laga dhigay inay dawladdaha hoose iyo dawlada dhexe is haystaan, waxaana idin sheegayaa in aanu dhamaynay wixii khilaaf ah ee jiray, isla markaana aanu cadaynayno in dawladda dhexe ku xadgudbeen dawlada hoose, dawlada hoosena diidaneen xuquuqda dawladda dhexe”ayuu yidhi wasiirka Hawlaha guud, gaadiidka iyo guriyeynta C/risaaq Khaliif.

“Anigoo ku hadlaya magaca gudoomiyaha ururka dawladaha hoose ee Somaliland, waxan idin sheegayaa in aanu ka heshiinay wixii khilaaf ahaa ee jiray, wixii farsamana xafiisyada ayaanu kudhamaynaynaa, meeshana ma jiraan wax laba dawladood la yidhaa, ee waa dawladda uu madaxweyne u yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo, anaguna waxaanu nahay xildhibaanadii la soo doortay isagana hogaamiye noo ah oo nala xisaabtamaya,” ayuu yidhi maayirka Hargeysa, C/raxmaan Maxamuud Caydiid isagoo dhankiisa ka hadlaya khilaafka soo dhexgalay wasiirka iyo dawladaha hoose.

“Waxaad ogtihiin wixii farsamo ah in aanu iskula noqon dono xafiiska, maayir iyo wasiirkaba sharciga xukuma,” ayuu yidhi wasiirka Hawlaha guud oo wax laga waydiiyey waxay ku heshiiyeen dawladaha hoose.

Kulan dhexmaray maayirka iyo wasiirka, waxa ku wehelinayey agaasimaha guud ee wasaarada hawlaha guud, maayir ku xigeenka caasimadda, xoghayaha dawladda hoose iyo qaar ka mid ah xildhibaanadda goleha deegaanka Hargeysa.

Si kastaba ha ahaatee, waxa dhowaan khilaaf soo kala dhexgalay dawladaha hoose ee Somaliland iyo wasiirka Hawlaha guud, ka dib markii uu wasiirku soo saaray amaro uu kaga mamnuucayo dawladaha hoose inay bixiyaan ama qorsheeyaan danta guud ee magaalooyinka, taas oo ka cadhaysiiyey xildhibaanadii goleyaasha deegaanka ee doorashadda ku yimid, kuwaas oo sheegay in wasiirku soo farogaliyey hawlihii shaqooyinkoodda.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland