4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Wasiirka Diinta iyo Owqaafta oo la kulmay Mas’uuliyiinta Ururrada OIC


Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Owqaafta Soomaaliya, Ridwaan Xersi Maxamed ayaa maanta la kulmay xubno matalayay hay’adaha iskaashiga la leh ururka iskaashiga Islaamka ee OIC, iyadoo kulankaas looga hadlay sidii loo gaarsiin lahaa gobollada la xoreeyey mashaariicda horumarineed ee ururka iskaashiga islaamku bixiyo soona marsiiyo hay’adahan ka howlgala gudaha dalka.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka, Cabdullaahi Goodax Barre iyo wasiirka caafimaadka Axmed Maxamed Maxamuud, wuxuuna ra’iisul wasaare ku-xigeenku kula dardaarmay howlwadeennada hay’ada inay shacabka uga faa’iideeyaan fursada muuqata, maadaama degaanada dhawaan laga saaray kooxaha nabadda kasoo horjeeda ay ka jirto baahi weyn oo ah dhanka raashinka, biyaha, caafimaadka, waxbarsahada iyo adeegyada kale ee aas-saasiga ah, loona baahan yahay in hay’adduhu ay daboolaan baahiyahaas.

“Shacabku maanta ayuu ugu baahi badan y ahay taageeradiina, waana inaad si dhaqso leh u gaartaan degmooyinka iyo gobollada la xoreeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka Diinta iyo Owqaafta, Ridwaan Xersi.

Dhanka kale, howl-wadeennada iyo madaxda hay’addahan xiriirka la leh OIC ayaa ballan-qaaday inay sii laba-laabi doonaan dadaalkooda ku aaddan sidii ay gargaar ku gaarsiin lahaayeen deegaannada Al-shabaab laga saaray, ayna uga faa’iideyn doonaan shacabka fursadaha iyo mashaariicda kala duwan ee ururku bixiyo.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya